Post View....

War aad u naxdin badan oo naga soo gaaray degmada Shilaabo kadib markii sadax caruur ah…

0
102

Wararka laga helayo deegaan lagu Magacaabo Laasacaanood oo ka tirsan degmada Shilaabo ee Dawlada deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay sheegayaan in saddex carruur ah oo wada dhashay ay Barkad Biyo ku jireen ay ku dhaceen,isla markaana ay geeriyoodeen.

Saddexda Carruurta ah ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo Xoolo la jirey oo Biyo siinayey,hayeeshee ay halmar Barkadda kuwada dhaceen,isla markaana gurmad loo sameeyey ay suurtageli weysay in la badbaadiyo.

Saddexda Carruurta ah ee Barkadda ku dhacay kuna dhintey ayaa waxaa lagu kala magacaabi jirey Xongor Iraad Cabdi oo 7-sano Jir ahaa, Jaamac iraad Cabdi oo 6-sano Jir ahaa iyo Saadaq Dhuxul Cali Cabdi Diini oo isna 4-sano jir ahaa.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ayaa waxaa ay tageen halka uu falkaasi ka dhacay, iyaga oo u tacsiyadeeyey ehelada Carruurtaas oo lagu Aasay deegaanka Laasacaanood oo ka tirsan degmada Shilaabo ee Dawlada deegaanka Soomaalida.

About Author