Post View....

DHAGEYSO:Dhaawacyadii loo qaaday Turkiga oo arin aad u murugo badan kusoo korortay kadib markiiā€¦

0
66

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii Ex-Koontorool Afgooye 28-kii ishii December ee sanadkii 2019 ee loo qaadey dalka turkiga ayaa lagu soo celiyey Magaalada Muqdisho,halka kuwo kale la filayo in la keeno magalaada muqdisho.

Dadkaan ayaa waxaa ay qabeen dhaawacyo badankood ay culus yihiin,waxaana haatan soo baxaya in qaar kamid ah dadkaasi dhaawaca ah ay weli xaaladooda caafimaad hagaagsaneyn,hayeeshee la doonayo in dalka dib loogu soo celiyo.

Shariifo Maxamuud Rooble oo ah Hooyada dhashay Aamina Maxamuud Axmed oo kamid aheyd Ardeyda Jaamacadda Banaadir kuna dhaawacntay qaraxaas iyo Faadumo Maxamuud Axmed oo qaraxa ku geeriyootey ayaa sheegtay in safaarada Soomaaliya ee dalka turkiga ay culeys ku saareyso in dalka dib loogu soo celiyo Gabadheeda oo weli xaaladeeda caafimaad aan hagaagin.

Waxaa ay sheegtay in Dhaqaatiirta Isbitaalka ay jiifto Gabadheeda ee ku yaalla turkiga ay u sheegeen in weli si loo baahnaa aysan u Caafimaad isla markaana qeybta lugaha ay dhaawac culus ka qabto,hayeeshee Masā€™uuliyiinta Safaarada ay doonayaan in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdullaahi Ceydiid oo ka jawaabayey eedeynta ayaa sheegay in Safaaradu aysan arrintaasi wax door ah ku laheyn,isla markaana ay goā€™aamiyeen Wasaaradda Caafimaadka Turkiga iyo Dhaqaatiirta Gacanta ku heysa Isbitaalka.

About Author