Post View....

Guddoomiye Sheekh Aadan Oo Soo Xiray Munaasabada Lagu Soo Bandhigaayay Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka

0
15

Guddoomiye Sheekh Aadan Oo Soo Xiray Munaasabada Lagu Soo Bandhigaayay Kaarka Aqoonsiga Muwaadinka

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta soo xiray Munaasabada Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ka dhacday Xarunta Teendhada Afasiyooni ee Garoonka Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in aqoonsiga qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshada dhexdeeda, kuwaasi oo ay ka mid yihiin, xaqiijinta iyo damaanad qaadka amniga, bixinta adeegyada, shirkadaha, arrimaha doorashooyinka dalka, maalgashiga, iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed si damaanad leh ay adduunka ugu safri karaan.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo ka hadlay xiritaanka munaasabadda barnaamijka diiwangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha ee qaranka, ayaa ammaanay in hannaankani uu ka tarjumayo dowladnimada casriga ah ee dalkeenna ka hana-qaaday, isagoo u mahadnaqay Jamhuuriyadda dalka Pakistan oo gacan weyn ka geysatay iyo hey’adaha kala ah Bangiga Adduunka (World Bank) iyo UNDP. Guddoomiyaha ayaa qaatay Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, waxaana ugu dambeyn hadiyado lagu guddoonsiiyay mas’uuliyiinta ka socotay Dowladda Pakistan iyo madax kale oo goobta marti ku ahaa.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Kulan Qado Sharaf Ah La Qaatay Wafdiga Walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyay wafdiga walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo booqasho ku jooga Soomaaliya.

Kulanka qadada ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, Xildhibaano iyo madaxda kale oo ka soctay Jamhuuriyadda Jabuuti, oo ugu horeeyo Wasiirka Caadaaladda iyo Diinta ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Muumin Xasan Barre, ayaa Guddoomiyaha uga mahadceliyay sida walaltinimada leh ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa wafdiga walaalaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, u sheegay in aanu marti aheyn ee ay joogaan dalkooda, waxaana uu xusay in la xoojiyo iskaashiga labada dowladood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka qeyb galay Bandhiga dib u currashada dhismihii Jamhuuriyadda Seddexaad ee dalkeenna 2000 ee shirkii Carta ayaa sheegay in walaalaha Jabuuti ay kaalin lama ilaawaan ka qaateen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Xusaayay Dib U Curashadii Jamhuuriyadda Dalkeenna

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa ka qeyb galay Bandhiga dib u currashada dhismihii Jamhuuriyadda Seddexaad ee dalkeenna 2000 ilaa iyo 2023-ka ee shirkii Carta.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka Sarre Mudane Cabdi Xaashi Cabdillahi, Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan XFS, Wafdi ka socday walaalaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Saraakiil Ciidanka, Haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxaana lagu soo bandhigay Film Documentary ah oo ka hadlaya hannaanka dib u curashada qaranimada Soomaaliya, geedigaas oo magalada Carta kasoo bilowday 2000.

Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay cidkasta oo ka qeyb qaadatay uruurinta Taariikhdan muga iyo misaanka ugu fadhida Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, wuxuuna ku boggaadiyey in arrintaas lagu ammaano Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, isagoo tilmaamay doorkii shariifka ahaa ee uu ka qaatay shirkii dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed ee Carta iyo garab istaaga walaalnimo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo munaasabadda soo xirayey ayaa sidoo kale waxaa uu dul istaagay dagaalka lagula jiro Khawaariijta isagoo tilmaamay in qof walba uu kaalintiisa ka qaato sidii dalka looga ciribtiri lahaa arxan-laawayaasha baneystay dhiga Shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in fikirkan uu ka yimid dalal shisheeye laguna dhibaateeynaayo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qeyb galay sanad guurada 74-aad ee Maalinta Qaranka Shiinaha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe Oo Ka Qeyb Galay Xafladda Lagu Xusaayay Maalinta Qaranka Shiinaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda, ayaa ka qeyb galay sanad guurada 74-aad ee Maalinta Qaranka Shiinaha, waxaana goob joog ka ahaa diblomaasiyiiinta dowladaha caalamka u jooga dalkeena.

Safiirka Dowladda Shiinaha u jooga dalka Amb. Fei Shengchao oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa sheegay in maalintan ay qiimo weyn u leedahay dalka Shiinaha, sidoo kale xiririka Afrika iyo Shiinaha ayuu ku muujiyay in Shiinaha muhiimad gaar ah siinayso xiriirka uu la leeyahay Afrika. Danjirah ayaa xusay in Shiinaha uu diyaar u yahay xoojinta xiriirka uu Soomaaliya la leeyahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo gabagabada munaasabadda ka hadlay ayaa dowladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay garab istaagooda ku aaddan dalalka Afrika gaar ahaan Soomaaliya. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya hada ay ku jirto dagaal ka dhan ah Khawaariijta loona baahanyahay dowladaha caalamka in ay dowladda Soomaaliya dagaalkaas ku garab siiyaan si Khawaariijta guud ahaan dalka looga xorreeyo.

Guddoomiye Sheekh Aadan “Ciidankeeniyoow guusha waa mid gacantiina ku jirta, waxaad tihiin geesiyaal naftood hurayaal ah, waxaan Allaah SWT idinka baryeynaa idinkoo caafimaad qaba inaad hanataan goobaha idin harsan”.

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay xirirtaanka shirka xoghayayaasha Baarlamaannada Jaamacadda Carabta oo ka socday magaalada Dooxa ee dalka Qatar. Waxaana Kulanka lagu meelmariyay Nidaamka asaasiga ah ee Jamciyadda iyo xisaab xirka Miisaaniyad sanandeedka 2022.
Shirka xoghayayaasha Baarlamaannada Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa la isla qaatay taageeridda musharaxnimada XIL. Marwa Cabdibashir Xaaji oo kamida mudanayaasha Golaha Shaacabka ee BJFS.
Wafdiga shirka ayaa booqasho ku tagay Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar halkaas oo uu warbixin ku siiyay Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Qatar Dr. Axmed Fadaala.
Ugu dambeyn Xoghaya guud ee Golaha shacabka ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Qatar waxeyna isku afgarteen in Dowladda Qatar ay gacan ka geysaneyso barnaamijka tabarada Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu xoghaye jaabir ku wareejiyay Barnaamijka oo Qoraal ah Xoghayaha Qatar.

About Author