Post View....

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay New York

0
12

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Minneapolis

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa waxaa si weyn ugu dhaweeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kumaankun oo Jaaliyadda Soomaaliyeed ah.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa munaasabad ballaaran oo ay qabteen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka, hadal uu ka jeediyay waxa uu kaga warramay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan horumarka ay Dowladdu ku tillaabsatay ee dhinacyadfa amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, arrimaha bulshada iyo samafalka.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowlanimada Soomaaliya ay hortaagan yihiin saddex arrimood oo kala ah Khawaarijta, Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa, isagoo ugu baaqay Soomaalida Mareykanka inay qaybtooda ka qaataan halganka dalka looga xoreynayo cadowga.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta khudbad dheer oo muhiim ah ka jeediyay kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka hadlay horumarka dowladda Soomaaliya ay gaartay dagaalka ay kula jirto kooxaha Khawaarijta oo u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay 45% inay xoreyso deegaannadii ay shacabka ku dhibaateynayeen, waxaa kale oo uu ku dheeraaday dadaalka ay dowladdu gelisay arrimaha horumarinta bulshada.
Mudane Xamsa ayaa codsaday in Golaha Ammaanka ee Q.M. uu ka qaado cunaqabateynta mudada 30-ka sano ka badan saarneyd Soomaaliya, si dalkeenu uga guuleysto argagixisada, isla markaana ciidanka qaranka ay ula wareegaan guud ahaan ammaanka dalka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay dhibbane u tahay saameynta isbeddelka cimilada, oo dalkeena ay ka dhaceen abbaaro is dabajoog ah iyo fatahaado, isla markaana ay codsaneyso Soomaaliya in gacan la siiyo xal u helidda dhibaatooyinka ka dhasha qaaca hawada lagu sii daayo iyo isbeddelka cimilada.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku baaqay dib u habeyn lagu sameeyo hey’adaha caalamiga ee adduunka oo ay ugu horreyso Qaramada Midoobay, Bangiyada Horumarinta iyo Nidaamka Guud ee Dhaqaalaha Adduunka, si loo helo buu yiri

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗞𝘂 𝗫𝗶𝗴𝗲𝗲𝗻𝗸𝗮 𝐨𝐨 𝘅𝗮𝗳𝗶𝗶𝘀𝗸𝗶𝗶𝘀𝗮 𝗸𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝗮𝘆 𝗘𝗿𝗴𝐞𝘆𝗴𝗮 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆 𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗯𝗶𝗹𝘀𝗮𝗻 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadato dib-u-dhiska dalka oo ay ugu horreeyaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bani,aadantinimada.
Mudane Saalax ayaa soo hadal qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in kaalmada QM ay siiso Soomaaliya la gaarsiiyo deegannada laga xoreeyey khawaarijta, kuwaas oo ay hadda xukuumadda DanQaran ka wado dib-u-dejin iyo dib-u-dhiska, bacdamaa ay muddo dheer ku jireen gacanta kooxda arxanka darran.
Dhankeeda, Ms Laing ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sidii dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaayeen barnaamijyada horutabinta u leh qorshaha xukuumadda DanQaran, gaar ahaan xasillinta meelaha la xoreeyey.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed ee sida naxariis darrada ah Khawaarijtu ugu laysay magaalada Beledweyne maanta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay Qaraxa Beledweyne ka dhacay fal argagixiso oo fuleynimo ah oo Khawaarijtu ku baabi’inayaan shacabka, markii looga soo adkaaday furimaha dagaalka, isagoo intaa raaciyay in sababta ay u bartilmaameedsanayaan magaalada Beledweyne ay tahay inay ku suntantahay dabargooynta Khawaarijta.
Mudane Xamsa ayaa sheegay inay tirsan yihiin maalmaha u haray Khawaarijta oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo wadajira ay ka guuleysan doonaan cadawga u diiddan nabadda iyo horumarka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Allaah (SWT) uga baryay inta ku shahiidday qaraxa Beledweyne inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah siiyo.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada dalka.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta Waxbarashada dalka ayaa tilmaamay in faqriga, caafimaad darrada iyo siyaasadda gurracan ay tahay astaanta dadka heerkooda aqooneed uu hooseeyo.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in dalalka dib-u-dhacay ee aysan ka jirin wax horumar ah ay sabab u yihiin dadkooda oo aqoontoodu ay hooseyso, si ay ummadi horumar u gaartana ay lagama maarmaan tahay in kor loo qaado aqoonta dadka.
Mudane Saalax ayaa xusay in afar milyan oo muwaadin Soomaaliyeed ah oo gaaray da’da waxbarashada aysan xiligaan haysan waxbarasho, si caqabadahaas looga gudbana ay xukuumadda DanQaran bilowday qorshe ballaaran oo lagu howlgelinayo ugu yaraan 120 kun oo macallim, iyada oo kor loo qaadayo miisaaniyadda ay dowladdu waxbarashada u qoondeysay.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa ku bogaadiyey Machadka Heritage iyo Jaamacadda City mudnaanta ay siinayaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta dadka Soomaaliyeed, si ay dadkeennu u noqdaan kuwa leh aqoon ay horumar ku gaaraan, isla markaana ay kula soo baxaan kheyraadka dihan ee dalkeenna Eebe ku manneystay.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan doceed kula yeeshay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York, Agaasimaha Sanduuqa Lacagta Adduunka IMF, Mahmoud Mohieldin.
Kulanka ayaa looga hadlay dadaalka dowladda ay ku waddo dib u habeynta nidaamka dhaqaalaha dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo u diyaargarowga barnaamijka deyn cafinta kadib.
Agaasimaha IMF-ta ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya tallaabooyinka ay kula dagaallamayso musuqmaasuqa iyo horumarka laga sameeyay barnamijka deyn cafinta oo maraya heer gabagabo ah.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗞𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗠𝗶𝗱𝗼𝗼𝗯𝗮𝘆 𝗚𝘂𝘁𝗲𝗿𝗿𝗲

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xarunta Qaramada Midoobay ee New York kulan kula qaatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Xoghayaha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta u dhaxeysa hey’adaha Qarmada Midoobay iyo Soomaaliya, iyaga oo si gaar iskula soo qaaday sidii la isaga kaashan lahaa wax ka qabashada arrimaha muhiimka ah sida amniga, nabadda, horumarinta, isbeddelka cimillada iyo hiigsiga yoolasha horumarka waara.

𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗮 𝗼𝗼 𝗹𝗮 𝗸𝘂𝗹𝗺𝗮𝘆 𝗠𝗮𝗱𝗮𝘅𝘄𝗲𝘆𝗻𝗲 𝗕𝗶𝗱𝗲𝗻

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta, qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, si ciidamadeena qaranku ay ula wareegaan guud ahaan amniga dalka.
Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka arrinsaday iskaashiga Amniga

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka Midowga Yurub Danjire Delphine Pronk oo maanta soo gaartay Muqdisho.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dhinac, qaab-dhismeedka qorshe-hawleedka wadajirka ah (Joint Operational Roadmap) iyo mustaqbalka taageerada Midowga Yurub ee amniga Soomaaliya, waxa ayna soo bandhigtay Guddoomiye Delphine in Midowga Yurub ay kordhiyeen tageerada dhaqaale ee ay ku kabaan Ciidamada Xoogga dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Jaamac, ayaa carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Midowga Yurub uu ka qaato amniga, xasilloonida, arrimaha bani’adannimada iyo dhaqaalaha. Waxa uuna uga mahadceliyey taageeradooda ku aaddan sidii ay Soomaaliyed dib ugu soo kaban lahayd.
Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda iyo Ammaanka ee Midowga Yurub Amb. Delphine Pronk ayaa tilmaamtay baahida loo qabo in laga faa’ideysto dardargelinta iskaashigan muhiimka ah, si loo sii horumariyo iskaashiga mustaqbalka ee amniga Soomaaliya.
Waxa ayna carabka ku adkeysay in xasilloonida iyo horumarka nabadeed ee Soomaaliya aysan muhiim u ahayn dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo kaliya, balse ay muhiim u tahay guud ahaan Geeska Afrika.
Iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya ayaa waxaa haga Tubta Hawlgelinta Wadajirka ah ee EU-SOM, oo la bilaabay May 2023. Iyada oo Midowga Yurub uu Soomaaliya ku maalgeliyay tan iyo sanadkii 2014-kii lacag dhan 3.5 Bilyan oo Yuuro.

About Author