Post View....

SAWIRO:-Soomaaliya & Maroko oo heshiis Cusub kala saxiixdey

0
75

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraad ka Biyaha Dawladda Fedraalka ah ee Soomaliya Fowsiyo MaxamedSheekh iyo Wafdi ay hogaaminayso oo safar shaqo ku joogaa Dalka Morroco, ayaa Lakulmay Dhigeeda Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Boqortooyadda Marroco AbdelkaderAmara.

labada dhinac ayaa waxaa ay kawada hadleen in Iskaashi labo geesood ah ay ka yeeshaan Maamulka iyo Maarynta kheyraadka biyaha ee labada dowladood.

Waxay labada wasiir isku heshiiyeen In la dhiso Guddi Farsamo oo ka arinsada sidii Soomaliya looga taageeri lahaa, Xirfadaha aqoonta la xiriira Hormarinta Biyaha iyo Xifidint Aagaga dhowrsoon iyo joogtanaynta Biyaha looga caawin lahaa Soomaliya.

Sidoo kale waxay Labada Wasiir kawada hadleen sidii Soomaliya looga taageeri lahaa, Qalabaynta fududeeya Maaraynta Biyaha sida, Yareynta Fatahaadaha iyo ka faa’idaysiga Biyaha Roobka.

Ka dib Waxay Wasiirka Wasaaradda Tamarta Iyo Kheyraad ka Biyaha booqatay Meelaha laga hirgaliyay Mashaariicda Hormarinta Biyaha Sida Biyo Xireenda waawayn ee loo isticmaalo ujeedooyin badan, sida Ka dhalinta quwad koronto, Waraabka Beeraha iyo biyo galinta magaalooyinka.

  

About Author