Post View....

Dowladda Somalia oo ciidamo hor leh geysay Gobolka Gedo & Wararkii ugu dambeyey Xalada Gobolka

0
75

Dowladda somalia ayaa maalmahanba waday qorsho ay ciidamo badan ku geeyneyso Gobolka Ge’do

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaarayo Gobolka Gedo ee  Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inay halkaas gaareen ciidamo hor leh oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadaas ka dajisay Degmada Luuq ee Gobolkaas, waxaana la filayaa in la kala geeyo Baardheere, Garbahaareey iyo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Gedo sida ay illo wareedyo amni u xaqiijiyeen Warbaahinta guddaha

Ciidamada ay Dowladda Maanta ka dajisay Luuq ayaa gaaraya illaa 1000 Askari, waxayna ku biiri doonaan kumaan kale oo ay horey halkaas u geysay Dowladda, iyadoo ujeedada ay tahay in Maamulka Axmed Madoobe lagala wareego taliska Gobolka Gedo.

Xiisad ka dhalatay ciidamada cusub ee Maanta la geeyey  Luuq ayaa ka taagan qeybo kamid ah Gobolka Gedo, waxaana jidadka Luuq Maanta lagu arkay ciidamo ka tirsan daraawiishta Soomaaliya ee ka tirsan Booliska.

Dhawaan ayay aheyd markii ciidamo aad u fara badan ay dowladda Soomaaliya geysay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ku hardamayaan Axmed Madoobe iyo Dowladda Dhexe.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo muddooyinkii dambe khilaaf u dhexeeyey dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland laga dareemayey gobolka Gedo ee koofurta Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeyo Dowladda Dhexe iyo Maamulka Axmed Madoobe ayaa imaaday kadib markii Axmed Madoobe uu diiday inay dowladda faragelin ku sameyso arrimaha doorashadii ka dhacday dhawaan Magaalada Kismaayo ee isaga dib loogu doortay.

Beesha Caalamka ayaa Dowladda Dhexe ku cadaadineyso inay aqoonsato Axmed Madoobe, waxaana muuqato inay Dowladda weli ka dhago fureysaneyso dadaalada Beesha Caalamka, waxayna weli sii wadaa howlihii Militari ee Gobolka Gedo.

 

About Author