Post View....

Somaliland oo Heegan u Gashay ka Hortagga Xannuun ka dileecey Shiinaha & Somalia oo laga cabsii qawo

0
77

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray shaqaale iyo dhakhaatiir loo tababaray ka hortagga iyo la tacaalista xannuunka ka dillaacay dalka Shiinaha ee CORONAVIRUS, oo dalalka caalamku dedaal ugu jiraan xakamayntiisa.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka iyo mareeyaha hay’adda Duulista iyo madaarrada, ayaa kormeeray dhallinyaro ku takhasustay caafimaadka oo madaarka heegan ugu jira sidii ay xannuunka CORONAVIRUS uga hubin lahaayeen qof kasta oo kasoo dega madaarka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Soomaaliland Cumar Cali Cabdilaahi, ayaa ugu horrayn sharraxay sida loogu baahan yahay in laga hortago isbeddelada caafimaad ee dunida ka socda iyo la tacaalistooda, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri.

“Adduunyada waxa lagu jiraa feejignaan iyo in lala socdo isbeddellada ku imanaya caafimaadka dunida, taasina waxa ay keentay madaxweyne inaannu annaguna hawlgalkaas aannu hawshii aannu hore u haynnay sii xoojinno iyo in arrinta hadda adduunka kusoo cusbaanaatay ee Fayraska cusub ee CORONAVIRUS ayuu yiri” Wasiir Cumar.

Maareerayaha hay’adda Duulista Madaarrada iyo Somaliland Maxamed Cabdi Rodol, ayaa isaguna dhankiisa sheegay inay si weyn ugu diyaar garoobeen ka hortagga xanuunkan, islamarkaana shaqaalaha uu gacanta ku hayaa si dhaw ula shaqaynayaan shaqaalaha gaarka ah ee wasaaradda horumarinta maaliyaddu madaarka u soo dirtay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo si mug leh uga hadlay muhiimadda shaqaalaha caafimaadka ee carbisan ee wasaaradda horumarinta caafimaadku heeganka gelisay iyo sidii wada-shaqayn iyo dhiirrigelin dhaw loogu samayn lahaa, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yiri.

“Maanta muhiimadda ugu weyn ee aynnu halkan u joognaa waxa weeye gurmadka caafimaadka, marka horena qolada madaarka waxa laga rabaa inay samayso koontaroollo ama teendhooyin dhisa ama hangar dhisa oo meel dadka lagu hayn karo oo la deggenaan karo oo degdeg ah waa la idinka rabaa, dhulkiina waad haysaan, dhaqaaluhuna wuu idin soo gaadhi doonaa laakiin waad bilaabaysaan.”

Ugu dambeyn Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caddeeyey inaanay jirin wax khatar ah oo weyni, balse ay tallaabadani tahay taxadar iyo ka hortag,isla markaana ay heegan geliyeen dhakhaatiir u carbisan ka hortagga iyo baarista xannuunka CORONAVIRUS oo maanta meelo badan oo dunida ah ku faafaya.

 

About Author