Post View....

Booliska K/Afrika oo soo badbaadiyey Ganacsade Soomaali ah & Somalia kale oo laā€¯layahay

0
61

Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska dalkaas ay soo badbaadiyeen Ganacsade Soomaali ah oo Caanka ah dalkaas,kaas oo dhawaan la aduubtey.

Ganacsadahaan oo lagu Magacaabo Cabdi Waaxid Salaaxudiin ayaa Koox Burcad Koonfur Afrikan ah waxaa ay horaantii Bishaan ka afduubteen meel u dhow Goo Ganacsi uu ku lahaa Magaalada Johannesburg,iyada oo xilligaas wixii ka dambeeyey baadi goob lagu haayey.

Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Dalka Koonfur Afrika ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in howlgal ay ka sameeyeen Booliska dalkaas Magaalada Johannesburg ay kusoo furteen muwaadinka Soomaaliyeed,sidoo kalena ay soo qabteen Rag la sheegay inay faraha kula jireen Faldanbiyeedyo kala duwan.

Si kastaba dalka koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka inta badan falal dil iyo boob hantiyadeed ah loogu geysto Soomaalida,waxaana sanadkii tegay ee 2019 dalkaasi koonfur Afrika lagu diley Soomaali farabadan.

Ā 

About Author