Post View....

Wax ka ogow daawada ku jirta cunista Muufada

0
191

Dadka Soomaaliyeed ayaa mudooyin aad u badan isticmaalayay cunista Muufada waxay kamid tahay cuntooyinka laga sameeyo dalagyada ka soo baxa dhulka Soomaalida oo ay ugu horeyso Galaydu.

Xirfadlayaan xeeldheer oo Soomaaliyeed ayaa alifay habkan looga sameeyo Muufada Galayda, waxay marta heerer kala duwan galayda marka ugu horeysa waxa lagu dhaqaa biyo waxa loo gudbiyaa qeyb kamid ah mashiinka lagu jajabiyo galayda si loogu diyaariyo habka haadinta masafta gacanta si looga saaro baalka, mudo yar kadib waxa loo gudbiyaa qeybta labaad ee soo saarta cajiinka.

Cali Cilmi oo ka sheekaynaya faa’iidada ku jirta cunista Muufada

”Inta aan cunin ha cunto Muufada inta cuntay ha sii badsato,Muufada daawo ayaa ku jirta, waxa kaaga marag ah in ay daawo ku jirto Galayda maxay Kiinyaanku u cunaan sabuulka minaraal ayuu leeyahay ilkaha wuu adkeeyaa, ciridka waa kabaa” sidaas waxa BBC-da u sheegay Cali Cilmi Cali oo mudo kabadan 50 sanno cunayay Muufada.

Sidee loo dubaa Muufada

Marka laga yimaado diyaarinta cajiinka laga sameeyo Muufada waxay u soo wareegtaa tinaarka oo ah qeybta lagu diyaariyo Muufada ugu macaan, Tinaarku wuxu ka samaysan yahay dhoobo loo sameeyay sida weel godan oo salka loo dhigay dab laga shiday dhuxul.

Dumar ku xeel dheer samaynta Muufada ayaa labada gacmood ku qaabeeya goobaabinta Muufada kadibna ku dhajiya meel ka sareysa dabka gudaha Tinaarka waxa loo daayaa mudo kooban inta ay ka bislaanayso Muufadu kadib ayaa lagu keydiyaa weel ku daboolan maro si loo ilaaliyo heer kulka Muufada taas oo soo jiidata macaamiisha cuna.

” Muufada xoog ayaa lagu yeeshaa mudo 40 sanno ah ayaan dubayay, bulshaduna way jeceshahay, dabkana waan bartay sida laysaga difaaco laakiin qofka aan baran way ku gubanaysaa” sidaas waxa BBC-da u sheegtay Maryan Cali oo samaysa Muufada.

Maxa lagu iidaamaa Muufada

Muufo kulul markii dabka laga soo qaado waxa loo alifay in ay u baahan tahay iidaan uu kamid yihiin Macsarada, Moos,buskeeti, suqaar iyo maraq oo dhamaantood wax tar u leh dadka cunaya dad badan ayaa aaminsan in cuntooyinka dabiiciga ah ay ka caafimaad badan yihiin kuwa la warshadeeyo.

Dadka Soomaalida ayaa inta badan isticmaalayay Muufada mudooyin badan, Muufada ayaa ah cuntada kaliya ee loo sameeyey hees kamid ah heesha Soomaalida, heestan ayaa ka bixi jirtay bari samaadkii Raadiyaha Muqdisho waxa kamid ahaa miraha heeshtan, ”Muufo macaanay Muufo,maraqa ku dhuuqaan doonayaa muufo”

 

Xigasho: BBCSomali

About Author