Post View....

Taliska Ciidamada Booliska Puntland oo Sheegay inay Gacanta ku soo dhigeen Askari dilay Ruux Ajanbi ah.

0
120

Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxay war ka soo saareen dil askari ka tirsanaa Ciidamada Puntland uu u geystay Nin u dhashay dalka Kenya iyo qarax ka dhacay Magalada boosaaso.


Warkaan kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Bari ayaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay gacanta ku soo dhigeen Askarigii dilay Ninka Kenyanka ahaa, isla markaana ay cadaalada marsiin doonaan.

Taliska Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in uu fashilmay qarax Ciidamada Puntland lagula Beegsaday Aaga Hotel Boosaso, Iyadoo uu dhaawac fudud ka soo gaaray Askari ka Tirsan Ciidamadda Puntland.

Dhowrkii bilood ee u dambeysay ayaa waxaa xumaday amniga Magalada Boosaaso, iyada oo tora ka dhowr jeer ay qaraxyo ka dhaceen sidoo kalena lagu dilay Madaxii Shirkadda P&O oo hoostagta Shirkadda DP World.

 

About Author