Post View....

Ninkii weeraray masjidkii Oslo oo maxkamad la soo taagay

0
109

Oslo – Norway

Maxkamad maanta la soo taagay ninkii weerarka ku qaaday masjidka soomaalida ee Norway. Ninkan oo 21 jir ah luguna magacaabo Philip Manshaus ayaa maalintii sabtida isagoo qoryo ku hubeeysan galay masjidka Al Nour Islamic Center, kaas oo isku dayey in gumaad ka geesto, base dadkii masjdka ku cibaadeeysanayey ayaa ka hortagy ninkaas oo gacanta ku dhigay una dhiibay booliska markii dambe.

Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Erna Solberg, oo shalay gelinkii hore booqatay masjidka soomaalida ee magaalada Baerum, ayaa sheegtay dowladeeda damaano qaadeeyso ammaanka goobaha lugu cibaadeeysto, qof kastana xaq u leeyahay in ammaan ku jirto u caabudo diintiisa. Waxeey sidoo kale sheegtay in ay ka xun tahay falkaas naxdinta leh.

Sawirka: Wargeyska VG

About Author