Post View....

Shir Madaxtooyada Kismaayo Ka socday oo lagu kala dareeray, Maxaa sababay…

0
123

Wararka aan ka helayo Kismaayo ayaa xaqiijinaya in caawa lagu kala kacay shir Madaxtooyada Kismaayo uga socda wasiirka amniga Jubaland C/rashiid Indho korey, Axmed Cumar Maxamuud G/kuxigeenka Guddiga Doorashada oo dhinac ah, Iyo Madaxwayne Axmed Madoobe, Iyo Xamsa Cabdi Bare oo iyaguna dhinac kale noqday. Waxaana la balamay maalinta biriya.

Wasiirka amniga iyo G. Kuxigeenka Guddigu waa isku aragti, waxayna kasoo wada jeedaan hal beel ah. Halka MD Axmed Iyo Guddoomiye Xamsana ay isku beelyihiin, isku mowqif-na yihiin. Waa xiisad cusub oo sababi karta in guddigu halkaas ku burburo gabi ahaanba.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa warinaya in cadaadiska iyo culayska Beesha caalamka iyo Dowladda Soomaaliya kaga imaanaya maamulka Axmed Madoobe in ay sababi karaan dib u dhac ku yimaada mudada doorashada, taasoo noqon karta bil ama labo bilood. Si loo saxo khaladaadka, Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamkuna u qaataan doorkooda shariifka ah.

M.A. Kooshin

About Author