Post View....

Maxaa sababay in jasiiraddii kaneecada ay noqoto waddan aad u hormarsan?

0
121

Sidee ayay jasiiraddii kaneecada badnayd ee ay Malaysia cayrisay oo ka saartay midowgoodii, ku noqotay dal kamida dunida koobaad? Yaase dhabbaha guusha qaadsiiyay? Maxaanse ka baran karnaa..?

Singapore waa dal yar oo hal magaalo ah (city-state) kaaso ah jasiirad yar oo dhacda koonfur-bari qaaradda Eeshiya. Waa dal baaxad ahaan aad u yar oo ku fadhiya bed dhan 722km oo wareeg ah. Magaalada Darisalam ee Tanzania ayaa baaxad ahaa ka weyn.

Singapore waa jasiirad kaabiga ku haysa Malaysia. Dadka wadanka daga waa Chinese, Malay iyo Hindi. Markii ay Britain ka xoroobeen, ayay go’aansadeen inay la modoobaan Malaysia oo ay u arkayeen dal ay isku dad yihiin.

Sanaddii 1963-dii ayay la midoobeen Malaysia iyaga oo noqday dal qura. Balse nasiib darro laba sano kadib, Malaysia baarlamankeeda ayaa u codeeyay in Singapore ka go’do Malaysia ayna ka baxdo. Iyaga oo sheegay inay tahay jasiirad yar oo kaneeco badan, dad sabool ah na ku nool yihiin, taaso aan faa’iido ugu jirin Malaysia.

Xilligaas Singapore waxa ay ahayd waqtigii ugu xumaa. Waxa cayriyay dad kuwii ugu dhawaa. Lee Kuan Yew ayaa ahaa Raysalwasaraha dalka. Waxa uuna u tafaxaytay sidii uu Singapore uga saari lahaa duruufta adag, ugana mid dhigi lahaa wadamada ugu hodansan dunida.

Lee muddo badan ayuu arrinkaas ku mashquulsanaa, dalkana kama uusan bixin. Waxa ay taariikhdu xustaa inuu socdaalkiisii ugu horreyay oo dibadda ah sameeyay sanaddii 1973-dii. Muddo sideed sano ah, dalka kama bixin.

Lee kuan Yew, Sanaddii 1990-kii ayuu xilka ka dagay. Isaga oo loo aqoonsaday aabihii wadanka. Waxa uuna sababay Singapore inay noqoto maanta, xarun caaalami ah oo hoy u ah, waxbarashada, madadallada, dhaqalaha, daryeelka caafimaadka, raasamaalka, hal-abuurka, saadka, waxsoosaarka, tiknoolajiyadda, dalxiiska, ganacsiga iyo gaadiidka.

Wadanku waxa uu kujiraa heerarka caalamiga ah, waxaan loo aqoonsaday inay tahay Singapore, dal haysta tiknooljiyadda ugu sarraysa, taaso mar walba diyaar ah. Waa dal ay ku kulmaan hay’adaha iyo shirkadaha ugu waaweyn dunida, ayna ka dhacaan shirarka caalamiga ah. Waa dalka leh maalgalinta ugu wanaagsan dunida.

Singapore waa dal aad u qurux badan. Sidoo kale waa dalka ugu amnisan dunida. Waa dal leh dhaqaalaha ugu furfuran caalamka. Dal kaalinta saddexad kaga jira wadmaada ugu musuwmaasuqa yar caaalamka. Dal uu kuyaal suuqa sarrifka ee saddexaad ee caalamka ugu weyn.

Dalku wax kheyraada maleh oo xitaa malaha dhul beereed ay wax ku beertaan. Khudaarta laga isticmaalo oo idil waa amid dibadda kaga timaadda. Sidoo kale ciidda wax lagu dhisto xitaa dibadda ayay ka keensadaan. Sidaas oo ay tahayna waa dhul cagaar ah, ayna ku yaallaan daaraha ugu dhaadheer uguna qurxoon caalamka.

Sidoo kale waa xarunta saddexaad ee ganacsiga dunida. Xarunta saddexaad ee dunida ee shidaalka lagu nadiifsho. Dalka shanaad ee ugu hal-abuurka sarreeya caalamka. Sidoo kalana leh dakadda labaad ee ugu mashquulka badan adunida.

Sidoo kale Singapore waa magaalad ugu nolosha qaalisan dunida. Taaso muddo badan soo ahayd. Dakadda Singapore waxa lagu tilmaama inay tahay hormuudka dakadaha caalamka. Si lamida garoon diyaradeedka Changi ee Singapore waa kan ugu wanaagsan caalamka.

Diyaaradda Singapore Airlines waa diyaaradda ugu wanaagsan caalamka. Iyadoo sannadkii hore loo doortay inay tahay tan caalamka ugu wanaagsan. Heerka hormarka aadanaha Singapore waa dalka 9aad ee caalamka ugu horreeya.

Wadanku waa dal kamida kuwa ugu dhaqaalaha badan caalamka. Dhaqalaha dalku waxa uu kor u dhaafayaa $370Bilyan. Kasoo kamida 30-ka dal ee ugu horreeya dunida. Sidoo kale dalku waa kan saddexaad ee ugu hodansan dunida. Dakhli sanadeedka soo gala dadka Singaburiga ah waa $98kun sannadkii.

Waa dal aad ugu hormaray hannaanka waxbarashada, jaamacadda Singapore waa tan ugu wanagsan guud ahaan Eeshiya. Sido kale daryeelka caafimaadka ayaa aad u wanagsan. Dadka reer Singapore waxa la tilmaama in cimrigoodu gaaro illaa 80sano celcelis ahaan.

Wadanka waxa kunool 5.7Milyan oo qof. 39% dadkaas waa ajaanib dalka dagan oo ku shaqaysta. Afar luuqadood oo rasmi ah ayaa looga hadlaa, kuwaaso kala ah, Engliahka, Malayga, Mamdarinka iyo Tamilka.

Wadankii la cayriyay ee kaneecada iyo faqrigu hoyga u ahaa, maanta waa mid hormuud u ah, dhaqaalaha, Tiknoolajiyadda, aqoonta iyo hal-abuurka dunida. Waxa heerkaas gaarsiiyay nin loo arko inuu ahaa hogaamiyihii ugu wanaagsana qarnigii 20aad. Waa Lee Kuan Yew.

Singapore waa tusaalaha dalkasta oo xaaladdiisu kasoo bilaabatay meel liidata. Waa tusaale dunidu eegato. Haddii aan Somali nahay waa tusaale aad u wanagsan oo ay waaajib tahay inaynu cashar ka baranno, kuna dayano. Laakiin manihin kuwo u soo jeeda inay dalkooda dhistaan.

Fadlan warbixintan haddii ay ku anfacday la wadaag saaxibadaa #Share gareena. Page-kana like saar. Mahadsanid.

Mahamud Dahir

About Author