Post View....

Soomaaliya yaa xaq u leh inuu Soomali ahaado?

0
119

Haddii uu tago xafiiska Hey’adda Socdaalka ee Soomaaliya, ama safaarad Soomaaliya, wuxuu xaq u leeyahay in uu helo baasaboor Soomaali, qof si sharci ah ugu diidi kartana ma jirto.

Aadan wuxuu isu soo sharxi karaa xilka madaxweynenimada Soomaaliya, jago walba oo kalena wuu buuxin karaa asagoo muwaaddin ah.

Waa qaabka ay u dhisan tahay Jamhuuriyaddeena aan xuduudaha lahayn!

Marka laga reebo mabda’a federaalka oo ay SYL diidanayd, waxyaabaha kale ee Xisbiya Dastuur al Mustaqil iyo SYL isku qabteen waxaa ka mid ahaa in shacabka la tirakoobo, shuruudaha muwaaddinimadana la qeexo.

Ismaaciil Cumar Geelle xitaa hadduu isa soo sharxo, ma jirto qodob sharci ah oo qabanaya.

Aadan waa muwaaddin Kenyan ah, wuuna ku qanacsan yahay, wuxuuna u hadlay sida qof muwaaddin Kenya ah uu u hadli lahaa. Laakiin anagaa u naqaan in uu muwaaddin Soomaaliyeed yahay, sharcigeennana sidaas baa ku qoran!

Hassan Adam Hasow

About Author