Post View....

Muwaadin Iiraani Ah Oo Ku Xakunaa Xabsi Daa’in Oo U Baxsaday Dalka Canada

0
111

Saraakiisha Xabsiyadda ee dalkaasi ayaa xaqiijiyey in  Nin u dhashay Iiraan, balse haysta Dhalashadda dalka Kanada uu ka baxsaday Xabsigii uu ku xirnaa.

Ninkaasi waxaa horey loogu xukumay Xabsi Daa’im, kadib, mrakii lagu helay isagoo ka hawlgalaya Websayt lagu faafayo Anshax-xumadda, kaasi oo mamnuuc ka ah dalkaasi iyo guud ahaan Dunida Islaamka.

Ninka ka baxsaday Xabsiga Iiraan oo lagu magacaabo Saciid Malekbuur oo 44-jir ah waxaa la sheegay inuu ka faa’ideystay waqti kooban oo laga sii daayey Xabsiga.

Waxaana u suurto-gashay inuu dalka Iiraan si qarsoodi ah uga ambabaxo, wuxuuna so hadlay markii uu tegay dalka Kanada oo u uka haysto Deganaansho Joogto ah.

Afhayeenka Hay’addaha Garsoorka Iiraan, Qulaam Xuseyn Ismaaciili waxa uu xaqiijiyey baxsadka Ninkaasi oo qaabab aan rasmi ahayn ku baxay, isla markaana uusan dib u soo laabanin.

Waxa uu tilmaamay in Ninka naxsaday la siiyey 3 maalmood oo faxas ahaa bishii July 20-da, balse aan soo labaanin dhamaadka bishaasi.

Saciid Malekbuur waxaa la sheegay inuu  Xabsiga ku jiray in ka badan 11-sanno oo ka mid ah xukunkii Xabsi Da’imka ee horey loogu xukumay.

Saciid Malekbuur oo Iiraan ka baxsaday, isago osii maray dal 3-aad waxa uu haatanjoogaa magaalladda Fankofar ee dalka Knaada, sida ay shaacisay Warbaahinta Kanada  ee CBC

Si kastaba ha ahaatee, Maxkamad ku taalla Iiraan waxay horey ugu xukuntay Saciid Malekbuur Xukun Dil ah, balse, waxaa bishi iAugust ee sannadkii 2013-kii loogu bedelay Xabsi Daa’im, taasi oo uu ugu dambeyntii kaga baxsaday Xabsigii lagu hayey ee Iiraan.

About Author