Post View....

Kooxda Daacish Oo Dusha Saartay Qaraxii Boosaaso

0
115

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Barqanimadii Maanta waxaa ka dhacay Qarax Miino nooca ah lagu aaso ah,kaasi oo lala eegtay Gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan uu la socday Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland.

Shire Xaaji Faarax oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta Puntland ayaa waxaa qaraxa lagula eegtay xili uu marayay laamiga weyn ee bartamaha Boosaaso,waxaana ku dhaawacmay hal Askari oo ka mid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale Shire Xaaji Faarax ayaa ka badbaaday qaraxaas Miinada ahaa,waxaana uu sheegay in lala eegtay xili uu safar ahaa.

Laamaha amniga Magaalada Boosaaso oo ka hadlay falkaas ayaa xaqiijiyay in weerarkaas uu ku dhaawacmay hal Askari,isla markaana la dhigay Isbitaal ku yaalla halkaas.

War qoraal ah oo lagu daabacay Warbaahinta wararka u faafisa Ururka Daacish ee Amaq News Agency ayaa waxaa ay ku sheeteen Mas’uuliyada qaraxii Maanta ka dhacay Boosaaso,iyadoo tilmaamay in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba askari oo kmaid ahaa Ilaalada Wasiirkii hore ee Qorsheynta dowlad Goboleedka Puntland.

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca qaraxyo kala duwan,kuwaasi oo sababa Khasaarooyin kale duwan,waxaana Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab iyo Daacish.

About Author