Post View....

Ciidamada Dowlada oo deegaano horleh la wareegay iyo saraakiil Shabaab ah oo la laayey

0
114

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saakay deegaanno hoos taga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxa ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada isgarabsanaya oo warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay Al-shabaab kala wareegeen Tuulo lagu magacaabo Buulo-Jebi iyo tuulooyin kale, kuwaas oo horay ay u maamuli jireen Al-Shabaab.

 

Xiliga ay ciidamada dowladdu weerarka ku qaadeen ayaa waxaa la sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab lacago iyo xoolo ay ugu yeereen sakawaad ka qaadayeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanadaas oo u badan xoolo dhaqatto.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkaas ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab oo ay ku jiraan madixii amniyaadka iyo madaxii sakawaadka oo Al-shabaab u qaabilsanaay deegaanada saakay lagu weeraray.

Saraakiisha hoggamineysa ciidanka xoogga dalka ee saakay la wareegay deegaanadaas ayaa dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada waxay ka dalbadeen inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda, iyagoo u balan qaaday inaysan dib uga laaba doonin deegaanada ay ka saareen gacanta Al-shabaab.

About Author