Post View....

Maamulka G/Banaadir Oo Bilaabay Diinwaan Galinta Aqoonsiga Guryaha+Sawirro

0
117

Sii hayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahad-Alla iyo Gudoomiye ku xigeen arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (jaktti) ayaa maanta si rasmi ah xarunta degmada Xamar Jajab ku daahfuray barnaamij uu maamulka degmadaas ku hirgalinayo diinwaan galinta aqoonsiga guryaha.

Barnaamijkan uu hirgaliyay maamulka degmada Xamar Jajab ayaa ah mid lagu xoojinayo diiwangalinta diriseenta iyo in dhisma kaste oo dagmadaasi ku yaala loo sameeyo diiwaangalin sax ah iyo sidoo kale taargo lagu aqoonsan karo.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka degmada Xamar Jajab iyo qaar kamid ah shacabka kunool degmdaas ayaa ka qeyb galay Xaflada lagu daahfuray Barnaamij uu maamulka Xamar Jajab ku hirgalinayo diinwaan galinta aqoonsiga guryaha.

About Author