Post View....

Dowladda Kenya oo ku adkaatay Kursigii Golaha Ammaanka ee QM ee ay kula tartamayeen iyaga iyo Jabuuti.

0
131

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Codeyn dowladaha Kenya iyo Jabuuti ay ugu tartamayeen kursiga Afrika ee Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Dowlada Kenya ayaa noqoneysa musharaxa kaliya ee u taagan kursiga aan joogtada ahayn ee Afrika u geli doona tartanka Kursigaas ka mida Golaha 10-ka dal ee aan joogtada ahyan ee Golaha Amniga ee 2021-2022, iyadoo ay Kenya ka guuleysatay dalka Jabuuti oo la tartamayey.

Codeyn Qarsoodi ah oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika maanta ayey wareegii labaad Kenya heshay 37 cod, halka Jabuuti ay heshay 13 cod, iyadoo ay codeynta ka qeyb galeen 51 dal oo ka mida 55-ka dal ee Afrika. waxayna Kenya sidaasi ku noqotay dalka kaliya ee Afrika u sharxan tartanka ka mid noqoshada Golaha Amniga ee Q/Midoobay.

Wareegii koowaad ee codeynta waxay Kenya weysay 3/2 codadkii loo baahnaa, iyadoo heshay 34 cod, waxayna Jabuuti markaasi hesahy 15 cod.

Dhawaan ayay aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay taageertay ololaha dowladda Jabuuti ay kaga mid noqon laheyn Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey,kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu booqasho ku tegay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

About Author