Jan 4, 2016 asagoo fadhiya shirka madasha ee looga arrinsanayay kala guurka ayuu cod-baahiya qaatay; wuxuuna daqiiqad gudaheeda helay sacab iyo taageero; qaarbaa yiri waa waddani dhab ah. Axmed Madoobe oo hor iyo hareera fadhiyaan Shariif Xasan, Cabdiweli Gaas, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ku yiri Xasan Sheekh Maxamuud, “Inta aan halkaan fadhino calaladaan horteenna yaalla inta la qaado calanka Soomaaliya ha nagu filnaado”.
Sacabka is qabsaday mid la mid ah waxaa meel walba oo uu u duulo laga la hortagi jiray hoggaankii Xisbiga Tayo, RW Farmaajo. Wuxuu sheegay in uu diyaarad gaar ah oo $30,000 diiday, qol $1,500 hotel ah diiday. Wuxuu sheegay in askari asaga ku dayday uu diiday $300,000 si boorso aan la baarin u gudbiyo.
Wuxuu sheegay in Itoobiya aysan marnaba ka talinaynin danta Soomaaliya.
Sacabkaas wuu sii socday, waxaana la qeybsayay hadba qofka shacabka u sheega wax dareenkooda kiciya.
Axmed Madoobe wuxuu dagaal u galay sidii dalka shareeco loogu xukumi lahaa; wuxuu ka dagaalamay imaanshaha ciidamada dalalka deriska ah oo uu Cabdullaahi Yuusuf u ololeynayay.
Xilliga uu sacabka waddaniyadda helayay 2016, waa la ogaa taariikhdiisa iyo sida ay isku buriyaan mowqifyadiisa. Wuxuu markaas sammeeyay maamul juujuub ah oo ay Kenya garwadeen ka tahay, wuxuuna galay dagaal.
June 2017 asagoo London jooga, Farmaajana ag fadhiyo ayuu jaaliyadda UK u sheegay, “Aniga ka mid ma ahi dadka jecel Federaal, dowlad dhexe oo xoog leh baan rabay”… sacabka ma joogsan.
Hadda labadii waddani ee sacabka ka dhergay ayaa laba dal u kala dhuuntay.
Siyaasi lagu eedeeyay in mowqifyadiisa ay is buriyaan ayaa ku jawaabay:
“Musharixiinta kale ee mowqifyadoodu ay is buriyaan ma ahi, aniga kuwayga is buriya adinka ayaannan u fiirsan mooyee waa kuwa is dhamaystira”.
U kala dhuumashada Itoobiya iyo Kenya marka ay dhammaato, mowqifyada is burinaya ee laba siyaasi way is dhamaystiri doonnaan, hadal macaan oo isku dheelli tira haddii ay ku daraanna sacabka halgiisa ayuu ka soconayaa. Tusaale ahaan madaxweyne Farmaajo wuxuu dhihi karaa, “cambuulo galley ayaan galab walba ku qadaynayay ayagoo al Foorno madaxtooyada Rome la iiga keenno”, Axmed Madoobena wuxuu dhihi karaan, “qori cabbaysan, oo ammaankiisu furan yahay weligay ma arkin, AK 47-na haba sheegin; adduunka ayaan ugu necbahay”.
Waddaniyadda Soomaaliya awalba hees, buraanbur iyo hadal macaan ayay u badan tahay!
Qof gef uu galay ama lagu tuhmay ay galaafatay inta aan xusuusto waa in yar oo uu Xuseen Caydiid ka mid yahay!
Inta kale taariikhdu waxba uma dhinto, is burintoodu waa uun is dhamaystir.
Waddaniyadda la kufsado ma dhammaanayso illaa taageerayaasha qaaska ah iyo dadka ugu dhow ay qabtaan qofka is buriya!
Waddanigu ma aha fannaan maalin heesay, ee waa cannuga asagoo 9 jir ah qalinkiisa amaahiya ardayga ku fasalka ah ee aan heysan agabkaas, ama hooyo waayeel ah usha u qabta, illaa uu ka weynaadana dadkiisa caawiya!
Hassan Adam Hosow