Post View....

Ganacsade Cali Aadan Marguus oo saaka lagu dilay beer uu Ku lahaa duleedka Baydhabo

0
120

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ganacsadaha caanka ah Cali Aadan Xuseen (Cali Marguus) lagu dilay saaka beer uu ku lahaa deegaanka Maaya Fuulka ee duleedka Baydhabo.

Dilkiisa ayaa la sheegay inuu la xiriiro arrimo dhul la isku heystay maalmahan oo ka taagnaa duleedka Baydhabo, iyadoo xiisada ka dhalatay is heysadkaas ay sababtay dad dhowr ah loo dilo.

Wararka ayaa sheegaya in Cali Marguus ay dabley hubeysan ku dhex dileen beertiisa, waxaana sanadihii u dambeeyay ahaa ganacsade dhanka beeraha, waxaana uu dadka ku dhaqan Gobolada Koofur Galbeed ku baraarujin jiray wax soo saarka beeraha.

Allaha u naxariistee Cali Marguus ayaa ahaa siyaasi hore iyo mid ka mid ah dadka hal doorada sida weyn looga yaqaanay deegaanada Bay iyo Bakool, tobankii sano ee u dambeeyay kuma  lug laheyn wax siyaasad ah.

Beerta uu ku lahaa duleedka Baydhabo ayaa loo dalxiis tagi jiray, waxaa ku beernaa dalagyo kala duwan sida khudaarta, sidoo kale dhaqashada xoolaha ayaa qeyb ka ahaa howlihii uu waday ee la xiriiray dhaqanka iyo wax soo saarka beerahaba.

About Author