Post View....

Ahlusunna oo Dhaqdhaqaaq Ciidan ka bilowday Dhuusamareeb

0
115

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Ururka Ahlusunna ay Magaalada ka bilaabeen labadii maalmood ee ugu dambeysay Dhaqdhaqaaq Ciidan oo ay ku doonayan in ay kaga baxaan Heshiiskii ay la gareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan Magaalada ayaa Risaala u xaqiijiyay in Ahlusunna ay doonayso in ay dib ula wareegto Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb oo hadda ay gacanta ku hayaan Ciidanka Danab.

Ciidamo Ahlusunna ka tirsan oo aheyn Ciidankii la isku dhafay ayaa lagu arkaya Wadooyinka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Waxaa sidoo kale aad loo xoojiyay Ciidanka dowladda ee ku sugan Garoonka Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ka mid ah Xubnaha Hoggaanka Ahlusuna ayaa horay shaki geliyay heshiiskii dowladda Federaalka ay la galeen, isagoo su’aal ka keenay dhaq dhaqaaqyo ka socda Dhuusamareeb iyo qorshayaal ay wado dowladda Federaalka ee la xiriira howlaha maamul dhisida Galmudug.

Warqad loo diray Xafiisyadda Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha iyo Qaramada Midoobey ayaa muujisay tabashadda ay qabaan Ahlusunna waxaana ay sheegeen hadii laga jawaabi waayo Cabashooda ay qaadi doonaan tilaabo.

About Author