Post View....

Garoonkii K/Cagta ee Banaadir Stadium waxa loogu wan-qalay Eng. Yariisow Stadium

0
130

Ixtiraam & Maamuus Qaran ma-Waayo Ninkii Naftiisa u Hura Dalkiisa & Dadkiisa!

Geesi Qaran ayuu ahaa, Alle ayaa naga jeclaaday, Kowdii Agoosto 2019 ayuu ifka ka wareegay, waa laga wada naxay Geeridiisa, Duco ayaa loo hibeeyay, Alle ayaa looga baryay inuu Jannadiisa ka waraabiyo.

Taariikhda ayaa xusi doonto Madaalihii Naftiisa u hurey Muqdisho, Abaal ayuu ummaddisa ku leeyahay Marxuum Yariisow, si hal-doorkaas loogu muujiyo ixtiraam iyo Maamuus ayaa Garoonka K/Cagta ee Banaadir Stadium waxa loogu wan-qalay Eng.Yariisow Stadium.

Waa u sharaf Qaranka Soomaaliyeed in Duqii Muqdisho loogu magac-daro Garoonka Banaadir, farxad ayay Shacbiga Soomaaliyeed arintaasi ku soo dhaweeyeen, hubaashii Yariisow waa u qalmaa in loo hibeeyo garoonkaasi iyo wax ka sii badan.
#Alla_ya_Raxma_Yariisoow!

About Author