Post View....

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Dagaal Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

0
98

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal xalay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho. Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Al-shabaaba ay weerar kusoo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Tuulada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Wararka qaar ee la helayo ayaa sheegaya in dagaalkii xalay ka dhacay Tuulada Arbacow oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho uusan geysan wax Khasaaro ah.Dagaalkaas ayaa la tilmaamay in uu socday muddo ku dhow hal saac ,isla markaana labada dhinca ay isdhaafsadeen rasaas xoogan,waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay dareen Cabsi. Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo ay uga hadlayaan weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Tuulada Arbacow.

About Author