Post View....

Al-Shabaab oo damacooda ku hungoobay, markii ay soo warareen mar kale Deegaan Awdheegle ee Gobolka Sh/Hoose

0
125

Dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar gaadmo ah waxay ku qaadeen degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada milatariga dowladda fedraalka Soomaaliya.

Dagaalka oo socday ku dhawaad 30-daqiiqo aya la sheegay inuu markii dambe joogsaday,iyada oo wararka qaarna ay sheegayaan in Al-Shabaab loo awood sheegtay meeshaasi laga eryay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen saqdii dhexe rasaas xoogan oo ka dhaceysa gudaha magaalada isla markaana ay dareemeen cabsi.

Ciidamada dowladda ayaa Al-shabaab kala wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha hoose oo in mudda ah ay maamulayeen waxaana ay ka mid aheyd degmooyinka istaraatiijiga ah ee Alshabaab ku xooganaayeen.

Dhinaca kalana war lagu daabacay wakaladda wararka Soomaaliyeed ee Sonna ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladdu ay dileen 4 ka tirsan Al-shabaabkii weerarka ku soo qaaday degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose.

About Author