Post View....

Haweeney Isku Qarxin Laheyd Saldhiga Baardheere Oo La Toogt

0
134

Sida ay sheegayaan wararka Idaacda dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso degmada Baardheere ee gobolka Gedo waxaa toogasho lagu dilay Haweeneey qorsheyneysay in ay isku qarxiso saldhigga degmada.

Saraakiil ka tirsan Milatariga ayaa warbaahinta u sheegay in Haweeneydaan oo wadatay gaari Caasi ah ay qorsheeynaysay weerar ismiidaamin ah oo lagu qaado Saldhigga degmada Baardheere isla markaana ay ciidamadu ka hor tageen.

Gaariga ayaa la sheegay in markii hore uu Bambo ku tuuray Koontorool lagu baaro gaadiidka oo ay joogeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda waxaana dhaawac ka soo gaaray 2-askari.

Dhinaca kalana Gaariga ayaa la sheegay in markii hore ay ka war hayeen laamaha amaanka kana yimid dhinaca magaalada Baydhabo sida ay saraakiishu sheegeen.

About Author