Post View....

Dadka Baydhabo oo lagu amray inaysan Maalmaha Ciida aysan qalin xoolo aan Baaritaan soo marin.

0
151

Shir jiraa’iid oo magaalada Baydhabo ay ku qabteen Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha mamulka Koonfur-galbeed Mukhtaar Maxamed Guuleed iyo guddoomiye ku xigeenka Baydhabo Aadan Carab amar Wasaaraddu ay ku soo rogtay shacabka Baydhabo inta lagu guda jiro maalmaha ciidul-adxa.

Wasiirka xanaanada Xoolaha Mukhtaar Mukhtaar Maxamed Guuleed ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aan lagu qali karin Xoolo aan soo marin baaritaanka caafimaad ee wasaaradda si loo ilaaliyo caafimaad qabka dadka.

Guddoomiye ku-xigeenka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay sida uu yahay ay u fulin doonaan amarka ka soobaxay wasaaradda xanaanada Xoolaha maamulka Konfur galbeed shacabkana looga baahanyahay in ay la shaqeeyaan maamulka magaalada.

Ugu dambeyntii Mukhtaar axamed Guuleed Wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha Konfur-galbeed ayaa shaaciyay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayo cidii aan qaadan amarkan.

About Author