Post View....

Xildhibaanno sheegay in dawlada ay is hor taagtay safar ay ku tagi lahaayeen Gobolka Gedo.

0
71

Xubno  ka tiraan xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in maanta ay dawlada Soomaaliya ay is hor taagtay safar ay doonayeen in ay ku tagaan magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Xildhibaannadan ayaa waxaa ka mid ahaa Cabdullaahi Yuusuf Xasan(Alenkeey) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in mar ay tageen garoonka diyaarahada Aadan Cadde si ay halkaas uga dhoofaan lagu wargeliyay in aysan jirin diyaarad maanta baxaysa oo tagay Gedo.

Waxa uu intaasi ku daray in masuuliyiinta garoonku ay u sheegeen in arrintan loo hakiyay arrimo la xiriira baxsashada wasiirkii Amniga ee Jubbaland C/Rashiid Janan.

Waxa ay intaa ku dareen xildhibaannaan oo markii ay la hadlayeen warbaahinta, in dawladda Soomaaliya ay Ciidamo u dirtay gobolka Gedo.

About Author