Post View....

Wasiirkii amniga Jubaland C/Rashiid Janan oo gaaray magaalada Kismaayo.

0
87

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamul goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta uu gaaray magaalada Kismaayo wasiirkii Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdi Nuur Janan, kaas oo mudo bilooyin ah u xirnaa dawladda Soomaaliya.

 

C/Rashiid Janan ayaa dooni uu saarnaa ayna ku wehliyaan xubno kale oo aan la sii shaacinin, waxa ay ku xiratay dekadda magaalada Kismaayo, halkaas oo lagu soo dhaweeyay isaga iyo xubnihii la socday.

Ilaa iyo hadda lama oga halka ay doonidaasi ka soo baxday markeedii hore, balse hadda waxa uu si nabad ah ku taga C/Rashiid Janan magaalada Kismaayo, isagoona loo sii galbiyay madaxtooyada Jubbaland.

28-kii bishan January ayay ahayd markii ay dawladda Soomaaliya ay shaacisay in uu C/Rashiid Janan ka baxsaday xabsigii uu ku xidhnaa, isla markaasina ay ku raad joogaan sidii loo soo qaban lahaa, inkasta oo arrintani ay hadal hayn iyo muran badan dhalisay.

About Author