Post View....

Xareed Cali Xareed Oo Xil Culus Ka Helay Garabka Xaaf+Doorasho Dhacday

0
56

Gudoomiye kuxigeenkii Hore Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa loo doortay Maanta oo khamiis ah inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Xildhibaanada garabka Xaaf ayaa doorasho ay ku qabsadeen Maanta ugu doortay Xareed Cali inuu Gudoomiye unoqdo.

Dadka Xilka helay waxaa ka mid ah Maxamuud C/casiis C/raxmaan (Afloow) oo Gudoomiye kuxigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Galmudug Helay Garabka Xaaf.

Waxa La sugayaa waa doorashada Madaxweynaha Cusub Ee Galmudug iyadoo Xaaf inuu kusoo baxo la filayo.

Gaalkacyo ayaa waxa laga maqlayey rasaas umuuqatay in cirka loo ridayey looguna dabaal dagayo doorashada maanta dhacday Ee Gudoonka Lagu soo doortay Baarlamaanka.

Weli Jawi kacsanaan ah ayaa Doorashada Galmudug ka jirta,Seddex Baarlamaan ayaa hadda jirta waxaana la sugayaa Seddex madaxweyne inay soo baxaan.

About Author