Post View....

XOG: Madaxweyne Farmaajo oo hal arrin darteed u gaaraya Dh/mareeb & xaalka oo Allow sahal ah

0
64

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya u xir xiran yahay inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud,halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad ku aadan dhismaha maamulka Galmudug.

Haddii aan la faragelin xaaladda siyaasadeed ee Galmudug,waxaana laga digayaa iney sidan ka sii darto,sidaas daraateed ayuu madaxweyne Farmaajo ugu wajahan magaalada Dhuusamareeb.

Mid ka mid ah Lataliyeyaasha madaxweyne Farmaajo oo sababo amni-daro magaciisa u qariyay ayaa u sheegay Shabakadda Badweyn in madaxweynaha uu la fariisan doono dhinacyada quseysa siyaasadda Galmudug oo ay ugu horeeyaan hoggaanka Ahlu suna,kuwaas oo ah saamileyda ugu adag ee diidan dhismaha maamul loo dhan yahay oo hirgala Galmudug.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa dhowr jeed ku noq noqday Galmudug,isagoona meel wanaagsan soo gaarsiiyay dhismaha Galmudug oo hadda xaaladdiisa aan wanaagsaneyn.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn loo adkeeyay,inkastoo la ogeyn waqtiga rasmiga ah ee madaxweynaha uu gaarayo magaaladaas.

About Author