Post View....

Maxay tahay Sababta Al-Shabaab uga qarxiyeen Kaamirooyinka CCTV ee la suray Muqdisho?

0
72

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyo lagu burburiyay Kaamoorinkii ku xirnaa Wadada Maka Al-mukaramah ee Magaaladda Muqdisho.

War kasoo baxay Al-shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyadda lagu beegsaday ugu yaraan Afar kamid ah Kaamirooyinka Jaajuusnimada ee ay isticmaalaan sirdoonka dowladda Soomaaliya,sababtaasna loo qarxiyay.

“Qaraxyada oo dhammaantood ka dhacay wadada Makka Al Mukarrama ayaa la sheegay in ay khasaare maaliyadeed gaarsiiyeen dowladda Federaalka, meelaha qaraxyadu ka dhaceen waxaa bara koontarool ku lahaa ciidamada Nabad sugidda dowladda waxaana lays weydiinayaa sida ay ku suurtagashay in hal mar lawada qarxiyo”, ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab.

Hay’adda NISA ayaa Kaamirooyin qarsoon ku dhejisay qaar ka mid ah Isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho,kuwaas oo qeyb ka ah hanaanka sugida amniga magaalada Muqdisho.

About Author