Post View....

XOG: P/land & Ahlu suna oo iska kaashanaya inaan Maamul loo dhisin Galmudug & Macluumaad laga helay

0
93

Sida ay muujinayaan macluumaad aan dhammeystirnayn oo aan aragnay  Cabdisamad Macalin Maxamuud wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Puntland xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole oo katirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kamid ah siyaasiyiin taageero kahelaya Puntland oo wada qorshe kadhan ah doorashada dowlad-goboleedka Galmudug.

Macluumaadkan ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah hoggaamiyaha ururka ASW ay si aan muuqan ugu jiraan hirgelinta qorshaha kadhanka ah doorashada Galmudug.

Cabdisamad Macalin oo todobaadkii hore safar dhulka ah ku tegey Garoowe kaddibna diyaarad u raacay Nairobi ayaa Puntland kala shaqeynaya in doorashada Galmudug dib u dhacdo, haddii ay suuragal tahayna ay kasoo baxaan dhowr madaxweyne.

Waa maxay sababtu?

Wadashaqeynta Puntland iyo madaxda ASW waxa ay kutimid kaddib wadahadal dhexmaray Macalin Maxamuud Sheekh Xasan & siyaasiyiin katirsan DG Puntland kaas oo kadhan ah xukuumadda Nababad & Nolol, madaxweyne Siciid Deni ayaa daneynaya in Galmudug aanay kusoo bixin madax saaxiib la ah  xukuumadda federaalku aanay   in uu u hirg, waxaana jira warar sheegay in Axmed Maxamed Islaan madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland uu taageero u fidiyey carqaladeynta doorashada Galmudug.

ASW oo hadda isugu soo uruurtay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan isbaheysigan waxa uu ka arkaa taageero u horseedi karta in doorashada Galmudug u dhacdo si uu ku qanco, waxaana isbaheysigan oo muddo jiray xoogeystay markii doorashadii guddoonka Baarlamaan-goboleedka looga adkaaday Saaddaq Sheekh Yuusuf wasiirkii hore ee amniga Galmudug islamarkaana ay ay ASW weysay guddoonka guddiga doorashooyinka.

About Author