Post View....

Imaaraadka Carabta oo dhisay Warshadda ugu weyn ee Nuclerka & Qatar oo Halis u aragta

0
69

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta (WAM), Warshadda Quwada Nuclerka Barakah ee dalka isku Imaaraadka Carabta ayaa xilli xaadirkan diyaar u ah iney shaqeyso.

Shirkadda Tamarta Nawah ee ka shaqeysa Warshadda Tamarta ayaa soo gabagabeyneysa shuruudihii ugu dambeeyay ee shirkadaas ku howlgeli lahayd,sida qortay WAM.

Barakah waxay noqon doontaa warshaddii ugu horreysay ee Nukliyeerka UAE iyo tan ugu weyn adduunka markii la dhammaystiro, oo leh afar awood-dhaliye iyo 5,600 megawatts (MW), sida ay qortay Reuters.

Sultan bin Ahmad Sultan Al Jaber, wasiiru dowlaha Imaaraadka Imaaraadka Carabta,sidoo kalena ah madaxa fulinta shirkadda Abu Dhabi National oil Company (Adnoc), ayaa bogaadiyay warshadaha tamarta nukliyeerka ee bilaabi doona bixinta kaydka korantada ee dalka markii ugu horeysay horaanta Sannadkan,sida ay Wakaaladda Wararka Imaaraadka Carabta WAM ku warantay labo usbuuc ka hor.

Isagoo hoosta ka xariiqaya khataraha hal-abuurka leh ee naqshadeynta Baraka, Dowladda Qadar ayaa sheegtay in howlaha Tamarta ee Imaaraadka ay qatar ku yihiin xasiloonida Khaliijka iyo deegaanka.

Sanadkii hore,Xukuumadda Dooxa Warqad ay u dirtay Hay’adda Caalamig ah ee Atoomikada Aduunka (IAEA) ayaa waxay ku sheegtay iney muhiim tahay in kor loo qaado adeegsiga nabdoon ee Tamarta Nuclerka,waxayna sidoo kale, Qadar boorisay in la abuuro qaab dhismeed xasiloon ee amniga Nucleerka gobolka.

About Author