Wasiirkii Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Kismaayo, isaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Janan ayaa waxaa Kismaayo ka qaaday diyaarad ciidan, oo ay leeyihiin militariga dalka Kenya, sida ay xubno ka tirsan maamulka Jubaland u xaqiijiyeen Badweyn Online.
Xubnahan ayaa sidoo kale sheegay in sababta Janan loogu qaaday Nairobi ay tahay in lagu soo sameeyo baaritaan caafimaad, maadaama muddo shan bilood ah uu ku jiro xabsi.
Janan ayaa la rumeysan yahay inuu ku xanuunsaday xabsiga, taasi oo ahayd sababta markii hore looga soo saaray ee loogu soo beddelay xabsi guriga, halkaasi oo uu ka baxsaday 28-kii Janaayo, sida ay sheegtay taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Jeneral Zakiya Zuseen.
Cabdirashiid Janan ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho laga qabtay 31-kii August 2019, xilligaas oo uu hakad ku ahaa, isaga oo ku socday magaalada Addis-Ababa.