Post View....

Doorashadii Maanta Sababtay Xaaf Madaxweyne Sii Ahaado & Xaalka Caawa Gaalkacyo

0
67

Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Magaalada Gaalkacyo waxaa doorashadii Maanta ka dhacday Magaaladaasi ay soo ban bixisey Sir qarsooneyd.

Caawa Wararka ina soo gaaray waxay xaqiijinayaan in doorasho madaxweyne aysan dhici doonin oo Xaaf uu yahay mid Booskiisa sii xajistay isagana uu sii hogaamin doono Galmudug.

Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maanta Xareed Cali Xareed Xildhibaanada Gaalkacyo ku shiray ugu doorteen & Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo loo doortay Sheekh Ibraahin Sheekh Xasan Guureeye ayaa ka dhigan in la dhameystiray Maamulka.

Axmed Ducaale Xaaf ayaana sheegay in ay ku howlgeli doonaan Gaalkacyo,iyadoo Xilka uu sidaas isaga booska Madaxweynaha kusii fadhin doona.

Wararkii ugu dambeeyey fiidnimadaan Gaalkacyo naga soo gaaray waxay sheegayaan in kulamo gaar gaar ah ay socdaan iyadoo Dawlada Dhexe ay isku dayeyso qancin loo sameeyo Xaaf oo xitaa la sheegay in Xamar laga wacay si uu tanaasul iyo is afgarasho lacag lagu bixinayo uu qaato.

Hadda labo Madaxweyne ayaa Galmudug ka jira waana Xaaf iyo Sheekh Shaakir iyadoo la sugayo Axmed Qoor qoor oo ay Dawlada Dhexe wadato Doorashadiisana ay Axada Isbuuca dambe dhaceyso.

About Author