Post View....

C/llaahi Faarax Weheliye: Wasiiru Dowlihii Qamaarka Siyaasadeed la dhigtay Ahlu suna..! [KASHIFAAD]

0
60

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Faarax Wehliye wuxuu isu sharxay xilka Madaxweynaha Galmudug, isagoo iska casilay xukuumadda Soomaaliya, waxayna dad badan ku wareersan yihiin cidda wadatay, rajadiisa musharaxnimo iyo Qamaarka siyaasadeed ee uu galay.

Si aan uga daba tagno sheekada waxaa mudan inaan dib u jaleecno inuu C/llaahi Faarax muddo aan dheereyn ahaa shaqsi ay wadatay xukuumadda Soomaaliya oo aad ugu dhowaa Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, isla markaana ay kala shaqeysay inuu ku soo baxo kursigii Baarlamaan ee uu ka dhintay Bootaan Ciise Caalin, isagoo weliba xilligaasi ahaa wasiiru dowle, laakiin wuxuu mar danbe galay isbaheysi qarsoodi ah oo dhigay halka uu maanta kusoo dhacay.

Musharixii Xukuumadda &Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha oo ku Guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Baaralmaanka

Wasiiru dowlahani wuxuu ahaa si hoose saaxiibo ula ahaa Madaxda Ahlu suna, isagoo dhinaca kale xukuumadda uga masuul ahaa wadahadalladii ay kula jirtay Ahlu suna, wuxuuna dhinacaasi iska tusiyey fursad uu Galmudug madaxweyne uga noqon karo, haddii uu heshiis hoose kula galo Ahlu suna.

C/llaahi Faarax Wehliye &Wasiiru dowle hore, musharaxa madaxweynaha Galmudug & Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka.

Wasiiru dowle C/llaahi Faarax iyo Madaxda Ahlu suna wuxuu ahaa masuulkii xukuumadda Soomaaliya ku qasbay heshiiskii Ahlu suna lagu siiyey inay 35 xildhibaan ku yeelato Baarlamaanka soo socda ee Galmudug, arrintaasina uu xukuumadda dhinaceeda kasoo dhammeeyay, waxaana u qarsoonaa heshiiska hoose ee Ahlu suna oo ahaa isaguna ay ku inay ku taageeraan inuu Madaxweyne ka noqdo Galmudugta cusub, halka Ahlu suna ay qorsheysatay inay sidii ay doonto u maamuli karto maamulka Galmudug uu hoggaamin doono Mudane C/llaahi Faarax, mar haddii ay Baarlamaanka cusub ku leeyihiin aqbaliyad fiican (40%)

Qorshaha Wasiiru dowle Weheliye iyo madaxda Ahlu suna diyaariyeen ayaa ahaa in 35 xildhibaan oo lagu daray ugu yaraan 10 xildhibaan oo lagu keenayo farsamooyin kala duwan (45) ay noqonayaan aqlabiyadda Baarlamaanka cusub, kadibna wax waliba u socon doonaan sida ay u qorsheysteen.

C/llaahi Faarax Wehliye waa ku guuleystay inuu xukuumadda ku riixo heshiiska Ahlu suna lagu siinayo 35-ta xildhibaan, laakiin waxaa adkaaday fulinta heshiiskaasi oo markii danbe muran dheer kadib Ahlu suna laga jaray 15 xildhibaan, iyadoo la siiyey 20 xildhibaan, taasoo gebi ahaan wiiqday Qorshihii ay midoobeen Ahlu suna iyo Wasiiru dowlaha.

Musharixiinta xilka Madaxweynaha Galmudug ee mucaaradka ah (Waxaa ka mida Wasiiru dowlaha)

Wasiiru Dowlaha oo aan quusan ayaa ku adkeystay qorshihiisii qeyb ahaanta geeriyooday, wuxuuna ku danbeeyay inuu ka mid noqday xildhibaannada mucaaradka oo bannaanka ka jooga doorashada, natiijada Qamaarkiisii siyaasadeed ee uu la dhigtay Ahlu suna ayaa iyaduna noqotay inuu ku dhammaado musharax rajadiisii soo idlaatay.

Damcii Ahlu suna ee Galmudugta cusub ayaa halis galay, waxayna dantu ku riixday inay madaxweyne u magaacaabaan madixii xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir, taasoo ujeedkoodu yahay inay gorgortan la galaan maamulka cusub ee Galmudug, laakiin Wasiiru dowle Weheliye waxay u badan tahay inuu damiciisii siyaasadeed ee Galmudug uu noqdo Webi Bacaad ku dhammaaday.

About Author