Post View....

Yaxyaa Hindhisay!!!! U gaar ah Asaxaabta ku xiran Boggaan FB-ga & Adiga.

0
124

Aniga iyo Adigu maxaan isku heysanaa?

1- Haddaan Hindhiso waxaa la leeyahay Siyaasad ayaad ka hadashay. (F.S 1aad)

2- Haddaan Qunfaco, waxa la leeyahay, Madaxda ayaad dhaajinee. (F.S 2aad)

3- Haddaan iraahdo war Maamulka naga saxa, waxa la leeyahay waa Mucaarad.

4- Haddaan iraahdo taa waad ku saxan tahihiin, waxaa la leeyahay waa Muxaafad.

5- Hadaan Qurba joog la kaftamo, waxa la leeyahay Qurba joogta ayaad neceb tahay.

6- Hadaan Daljoog Xaqooda ka hadlo, waxaa la leeyahy, iyaga ayuu la noolyahay waana Mooryaan.

7- Haddaan sameeyo Cilmi baaris aan wax ku saxayo, waxaa la leeyahay waa dacaayad Siyaasadeed. ( F.S: 3aad)

8- Haddaan Midigta ku salaamo , waxa la leeyahy Bidixda maxaad u reebatay. ( F.S: 4aad)

9- Hadaan wax Murti iila muuqdo qoro, waxaa la leeyahay waa Majaajilo.

10 -Hadaan Majaajilo qorana, waxaa la leeyahay waa Murti. ( F.S: 5aad)

11 -Haddaan Qoro Nasashada Jimcaha waxaa la leeyahay, Annaga Jimco nooma ahan.

12 -Haddaan iraahdo ma ogi, waxaa la leeyahay hadaadan ogeyn maxaad noogu sheegee. ( F.S: 6aad)

13 -Haddaan qoro Taariikhda Halgamaa Somali ah, waxaa la leeyahay Awoowgeey ayaad ka tagtay.

14 -Haddaan Darsi Aqooneed bixiyo oo aanan darajo sheegan, waxaa la leeyahay Qofkaas ayaa Aqoonyahan sheeganayo.( F.S: 7aad)

15 -Haddaan Aamuso waxaa la leeyahay, Duqii waa cabsaday.( F.S: 8aad)

16 -Haddaan Dayaadad raaco, waxaa la leeyahay Duqii waa tahriibay.( F.S: 9aad)

17 -Haddaan iraahdo hebel xilkiisa si fiican ha u guto, waxaa la leeyahay Qabiilnimo ayaad ku dhaliilee.( F.S: 10aad)

18 –Haddan iraahdo Dowladaa Ajnabiga ah, ama Ururkaa Caalmiga ah Dani nooguma jirto, waxaa la leeyahay shaqa doon ayaad tahay.( F.S: 11aad)

19 -Haddaan iraahdo xil ma rabo, waxa la leeyahay Hagar ayaad ka wadaa.

20 -Haddaan iraahdo arragtidaada XUR ayaad u tahay, waxaa la leeyahay XUR ma ahan ee waa XOR.

21 -Haddaan Buuggaagteyda qaato, waxaa la leeyahay, hadduu wax barasho aaday Jaahilkii.( F.S: 12aad)

22 -Haddaan Qalin qaato, waxaa la leeyahay, hadduu sida wax loo qoro baranayaa.( F.S: 13aad)

23 -Hadaan Sawir ku cabiro Qoraal, waxaa la leeyahay waa Anshax xumo ee Bulshada ha tusin.

24 -Haddaan Diinta ka hadlo, waxaa la leeyahay, Urur diimeedkuu ka tirsan yahay ,ma kuwii hore mise kuwa cusub.

25 -Haddaan Lugta iska xoqo, waxaa la leeyahay Jeebkiisa faaruqaa ayuu na tusaa.( F.S: 14aad)

26 -Haddaan Telephone keyga Niiclahaa la soo baxo, waxaa la leeyahay, I phone miyuu u maleeyaa.

27 -Haddaan Biibito ama Bush Shaah ka cabayo, waxaa la leeyahy Duqii waa shiiday.

28 -Hadaan Timaha soo jarto, waxaa la leeyahya, Duqii waa is dhalin yareeynayaa.

29 -Haddab bajaaj raaco, waxaa la leeyahay, busaadadaa ku raagtay.

30 -Haddan TV ka hadalo, waxaa la leeyahy, Xawayaan miyuu la hadlayaa. ( F.S: 15aad)

Waan ogahay:

Dadka dunida ku nooli wax iskuma wada raacaan, waa kala Aragti, kala da’. kala Aqoon, kala Xaalad Nololeed, kala Garaad. Waan ogahay sida beni Aadamka Wajigoodu u kala duwan yahay, in ey Gudahana uga kala duwan yihiin, haddana waa is fahmaan oo wad noolyihiin.

Nafteeyda iyo Naftaada in aan been u sheego ma rabo, sida ey ila tahay ayaan arragtideyda u cabirayaa,…Adigaa walaalkeey/walaasheey ah, wixii iga khaldan iga sax, waxa aan ogahay, oo aan hubaa in Aqoonteeydu aad u yar tahay, waxaan ogahay oo aan hubaa in wax badan oo aanan Annigu aqoon aad Adigu taqaan, taasi waa hubaal, ee aan kala faa’iideysano.

Yaxyaa hindhisay, in hargab i hayo ayaa dhici karto ee ha siyaasadeeyn hindhisyada.

Qore: Yahya Amir

About Author