Post View....

Xiriiriye TimaJilic oo baaq iyo digniin u jeediyay shacabka

0
123

Xiriiriyaha xisbiyada siyaasada soomaaliya ahna gudoomiyaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed Cali Maxmed Nuux Tima Jilic ayaa Isagoo Ku Hadlaya Magaca Xisbiyada Siyaasadda Iyo Kiisaba waxa uu hambalyo ku aadan ciidul adxa u diray shucuubta muslimiinta meelkastoo ay joogaan gaar ahaan dadka soomaaliyeeed isagoona alle ugu baryey in sanadkaan sanadkiisa uu alle ku gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo

Gudoomiyaha xisbiga midnimada jamhuuriga soomaaliyeed ahna xiriirayaha axzaabta dalka cali tima jilic oo ku hadlayay dhamaan afka axzaabta dalka soomaaliya ayaa ugu baaqay shucuubta muslimiinta caalamka in ay muujiyaan isku duubni iyo wada jir islamarkaana ay ka faaiideystaan naxariista iyo raxmada alle uu ku maneestay bishaan carafo

Ugu dambayntii Gudoomiye tima jilic ayaa shacabka soomaaliyeed waxa uu ugu baaqay in ay gacmaha isqabsadaan si wada jir ahna dalka iyo dadka soomaaliyeed wax ugu qabtaan wuxuuna sidoo kale uga digay in ay ka foojignaadaan wax walboo wax u dhimaya sharafka dalka diinta iyo dadka soomaaliyeed.

(Ciid Wanaagsan Ciid Mubaarak Dhamaan Muslimiinta Meel Walboo ay Ku Noolyihiin).

About Author