Post View....

Faarax Cali Basar oo u sharaxan qabashada xilka gudoomiyaha Gobolka Benaadir

0
111

Iyadoo ay soo badanayaan Murashaxiinta Xilka Gudoomiyaha Iyo Duqa Muqdisho ayaa waxaa ku soo biiray Ustaad Faarax Cali Basar oo ka mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed ee ka soo jeeda Gobolka benaadir.

Ustaad Faarax oo ka mid ahaa macalimiintii iyo maamulayaashii ugu miisaanka cuslaa ee jaamacadda SIMAD oo ku taalo magaalada Muqdisho, iyadoo aad loogu xasuusto qeybahii oo uu madaxda ka ahaan jirey oo uu aadka u hormariyey sida imtixaanaadka iyo distance learning center.

Sidoo kale ustaad Faarax ayaa waxa uu ka soo shaqeeyay hay’adaha gar gaarka gudaha iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu la taliye sare ka soo noqday Hay’adda UNICEF Somalia.

Ustaad Faarax ayaa ah aqoonyahan haysta shahaadad masterka ee Maamulka iyo maareynta ganacsiga waxaana uu ku soo bartay wadanka Pakistan.

Faarax Cali Basar ayaa haddii uu xilkan loo magacaabo waxaa la rajeynayaa in wax badan uu ka qaban doono horumarinta gobolka Benaadir, waxaana uu ka mid yahay murashaxiinta hadda ugu cad cad ee CV yadoodu yaalaan xafiisyada madaxtooyada soomaaliya, isaga oo taageero weyn ka haysto wax garadka iyo aqoonyahanka ku nool gobolka Benaadir.

Dhawaan ayaa kulan weyn oo ay iskugu yimaadeen wax garad iyo odayaal dhaqmeedyo, haween, aqoonyahano ku sugan magaalada Muqdisho waxaa ay ku taageereen Faarax in uu xilkan qabto, iyaga oo u arkay in uu yahay qofka kaliya ee ku haboon in uu xilkan qabto waqtigan xasaasiga ah.

Dhammaad

About Author