Post View....

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Juba land Oo Muqdisho Lagu Xiray

0
133

Wararka naga soo gaaraya garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada dhar cadka nabad sugidda NISA ay qabteen Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubaland.

Wasiirka amniga Jubaland Cabdishariid Janan ayaa la sheegayaa in lagala degay diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo ku sugan garoonka diyaaradaha Muqdisho subadii hore ee saakay, halkaasi oo la sheegay inuu Transit ku ahaa isla markaana ku sii jeeday magaalada Addis Ababa ee wadankaasi Itoobiya.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ay MaantaOnline ka heshay garoonka diyaaradaha Muqdisho Wasiirka amniga Jubaland ayaa laga dejiyay diyaarad ka soo kictintay degmada Doolow kuna sii jeeday magaalada Kismaayo taasi oo soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Wasiir Janan ayaa la sheegay in diyaaradda laga dejiyay isaga gacmaha ka jeebeysan, kaasi oo loo dhaadhiciyay mid ka mid ah xabsiyada magaalada Muqdisho, iyadoo xarigiisa ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Wasiirka la xiray loo heysto dacwado dhowr ah, iyadoo horay uu dacwad ugu soo oogay Xeer ilaaliyaha Qaranka, inkasta oo markii dambe maxkamadda gobolka Banaadir sii deysay.

About Author