Post View....

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo War ka soo aaartay Doorashooyinka Jubbaland iyo tan Heerka Qaran.

0
133

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Moroan Oragus, laguna soo daabacay Shabakadda Wararka ee Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ee www.state.gov  ayaa waxaa lagu faahfaahiyey Socdaalka uu Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale shalay ku yimid magaalladda Muqdisho iyo Kulamadii uu la yeeshay Madaxda DFS iyo kuwa QM.

Warbixinta ka soo baxday Afhayeenadda Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa waxa uu u qornaa sidatan:

Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa uu Ra’isul-wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre kula kulmay magaalladda Muqdisho, wuxuuuna mar kale u xaqiijiyey sida ay Dowladda Maraykanka uga go’an tahay inay Somalia ka taageeraan Isbedelka Siyaasadda, Horumarinta Dhaqaalaha iyo dadaalladda Xasilinta ee Somalia.

Ra’isul-wasaare Kheyre waxa uu David Hale warbixin ka siiyey horumaradii ugu dambeeyey ee dhinacyadda Siyassadda iyo Nabadda Somalia iyo dadaalka Shirarka ee Xaalladaha Deyn Cafinta Somalia, si loo bilaabo inin Somalia loo oggolaado inay Amaah ka qaadan karaan Hay’addaha Maaliyadda ee Caalamka.

Kaaliyaha Xoghaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ugu qaabilsan dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa kale oo uu ka hadlay Rajada Dowladda Maraykanka ee ku aadan inay Doorasho lagu kalsoon karo oo Nabad leh ka dhici doonta Dowlad-gobaleedka Jubbaland dabayaaqadda bishan August.

Waxa kale oo dhiiri-geliyey Horumarka Geeddi-socodka ee horseedi karta inay Doorasho Hal qof iyo Hal Cod (one-personand one-vote ) ee Doorashadda Qaranka ee Somalia ka dhici doonta bartamaha sannadka soo socda ee 2020-ka.

Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Afhayeenadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Moroan Oragus waxaa lagu muujiyey inay David Hale iyo Xasan Cali Kheyre isku raaceen qiimaha Hawlgalladda Ammaanka ee lagula wareegayo Deegaanadda ay Alshabaab maamulaan iyo U-diyaar-garowga Ciiddanka Somalia si ay Ciiddanka AMISOM ugala wareegaan Hawlaha Nabadda iyo Deganaanshaha guud ahaan Somalia.

About Author