Post View....

Diplomaasi Maraykan ah oo Socdaal Ku Maraya Dalal ay Somalia Ku jirto.

0
114

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa bishan 5-dii u bilaabantay socdaal uu ku marayo dalalka Somalia, Sudan iyo Kenya, si uu Madaxda dalalkaasi ugala xaajoodo xoojinta Xiriirka Maraykanka, Ammaanka, Horumarka iyo Iskaashiga Milliteriga.

Kaaliyaha waxa uu shalay booqasho ku yimid magaalladda Muqdisho, isagoo Kulan la qaatay Ra’isul-wasaare Xasan Cali Kheyre, kana wada hadleen xiriirka iyo iskaashiga Labada Waddan, La-dagaalanka Alshabaab iyo Hawlgalka AFRICOM iyo Kaalinta AMISOM ee Nabad-ilaalinta dalka.

Qoraal la soo dhigay BartaWaaxda Arrimaha Dibedda Mraaykanka ayaa lagu muujiyey inuu Kaaliyaha kulamo la yeeshay Mas’uuliyiin ka tirsan DFS, iyo Ergayga Khaaska ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, James Swan oo ay ka wada hadleen Ajendayaasha la xiriira Hagaajinta Siyaasadda, Amniga iyo Dhaqaalaha ee Somalia

Dhinaca kale, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka ee dhinaca Siyaasadda, David Hale waxa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, si uu berrito uga qeyb galo Munaasbadda lagu xusayo Qarixii ay Ururka Alqaacida la beegsadeen dhismaha Safaaradda Maraykanka ku leeyahay Nairobi bishii August 7-dii ee sannadkii 1998-dii, oo ku began muddo haatan laga joogo 21-sanno.

Waxa kale oo la kulmi doona Madaxda Sare ee dalka Kenya oo ay ka wada hadli doonaa Xiriirka Labada Dal, Iskaashiga dhinacyadda Amniga iyo Dhaqaalaha.

Dhinaca kale, Wafdiga waxaa la filayaa inay berrito u dhoofaan dalka Suudaan, si uu Madaxda Golaha Milliteriga ee haya talada dalkaasi ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka kula kulmo magaalladda Khartoum.

About Author