Post View....

Waa maxay Cabeebka Caabuqa Dumarka?

0
135

Cabeebka waxaa sidoo kale loo yaqaana infekshanka khamiirka ah ee xubinta galmada dumarka, waa xaalado caan ah oo soo wajahda dumarka. Waxaa sababo cabeebka il ma aragto loo yaqaano Fungus Candida, waxaa la dareemaa cuncun daran iyo barar.

Waxaa lagu qiyaasaa in afarti dumarba ay saddex dareento cabeebka waqti kamid ah nolosheeda. Mar hadii uu kugu dhaco waxay u badan tahay inuu mar kale kusoo wejihi doono.

Cabeebka kama mid ahan infekshanda laisugu gudbiyo galmada.

Maxaa sababa cabeebka

Candida waa il ma aragto si dabiici ah ugu nool hareeraha siilka. Tarmiideedna waxaa taako ku haya bakteeriya la yiraahdo lactobacillus bacteria. Hasa yeeshee bakteeriyada ma ahan mid shaqeyn karta hadii jirkaaga ay ka jirto isku dheeli tirnaan la’aan. Tani waxey sababeysaa in cabeebka oo ah tarmida il ma aragtada candida.

Isku dheeli tirnaan la’aanta sababi karta iney il ma aragtada taranto waxaa kamid ah:

  • Qalajiyaasha (Waxey hoos u dhigaan bakteeriyada lactobacillus oo ah mid u wanaagsan jirka oo ku nool gudaha siilka)
  • Uurka
  • Sonkoroow aan la xakameyn
  • Difaaca jirka oo daciif noqda
  • Cunta aan wanaag saneyn oo la cuno, sida cunnooyinka sonkorta badan
  • Khalkhal ka dhaca hormoonada jirka
  • Walwal
  • Hurdo la’aan

Astaamaha cabeebka

Cabeebku wuxuu leeyahay astaamo qaar ah oo iswata. Astaamaha waxaa ka mid ah:

  • Cuncun
  • Dareen kuleyl
  • Dhecaan yar ama badan oo ka yimaad siilka
  • Xanuun xiliga galmada
  • Baran
  • Finan

Hadii waqtiga uu ku haayo infekshanka ay badan tahay waxaa ka sii dara astaamaha kore

Mala daweyn karaa?

Cabeebku waa infekshan si fudud loo daweyn karo hadii uu yahay mid sahlan.

Hadii uu yahay mid daran waa in si mintidnimo ah loola dagaalama.

Sidee looga hortagaa?

Marar badan waxaa laga yaabaa inaad garan kartid waxa kugu sababay cabeebka. Tusaale ahaan dumarka qaar waxey dareemaan infekshanka marka ay qaataan qalajiye (antibiotika). Hadii aad garan kartid waxa halista kugu ah waad ka hortagi kartaa.

Siyaabaha qaar ee looga hortago waxaa kamid ah:

  • Ha xiran surwaal ama kastuumo/nigsaan kugu dhegan
  • Ha isticmaalin tambooniga la geliyo gudaha siilka
  • Hala fariisan dhar qoyan
  • Cun cunto isku dheeli tiran
  • Cun ama cab caanaha garoorka ah
  • Haku qubeysan/meyran biyo kulul
  • Hoos gashigaaga ku dhaq biyo kulul

Xigasho: Barcaafimaad.com

Daawo Fidiyowgaas

https://youtu.be/YDHiPVe3MSM

About Author