Post View....

VIDEO: Xaaladda Cakiran Ee Galmudug iyo ASWJ Oo Caabudwaaq Kusiiwajahan

0
160

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo la hadlay bulshada Dhuusamareeb ayaa shaaciyay in dowladda Soomaaliyeed aysan ka bixin qodob kamid ah 10-kii qodob ee dowladda federaalka iyo Ahlusunna ay wada saxiixdeen.

Wasiir Sabriye ayaa markii u horeysay soo bandhigay heshiiskii ay la galeen Ahlusuna, oo ka kooban 10 qodob, waxaana uu sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso in reer Galmudug ay helaan dowlad goboleed loo dhan yahay.

Sidoo kale waxaa uu caddeeyay in dowladdu ay mar waliba u taagan tahay fulinta dhammaan 10-ka qodob ee lagu wada heshiiyay

Heshiiska ay dowladda Soomaaliya la gashay Ahlu Sunna waxaa wada saxiixay Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka iyo madaxa fulinta Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

War qoraal ah oo uu soo saaray Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay ka baxday heshiiskii ay la galeen, isla markaana uu burburay, waxaana ay ku eedeeyeen in Ciidamo ay soo geliyeen deegaanada Galmudug, isagoo ugu baaqay Ciidamada Ahlusuna inay u diyaar garoobaan difaaca deegaankooda.

Halkan hoose ka daawo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo faah faahinaya heshiiskii ay la galeen Ahlusuna.

Daawo Muuqaalka:

About Author