Post View....

NISA Oo Gacanta Kudhigtay Ninkii Kadambeeyay Dilka Xoghayihii Hore Ee Gobalka Banaadir

0
121

Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shaaca kaqaaday inay gacanta ku soo dhigtay nin ka qeyb qaatay qaraxii lagu dilay allaha u naxariistee Maxamed Amiin Sheekh oo ahaa xoghayihii hore ee gobalka Banaadir.

NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid lagu soo qabtay ninkaasi.

Sidoo kale waxa ay hay’addu soo bandhigtay cajalad muujineysa qalab ay ka mid yihiin teleefano, batariyaal, fiilooyin iyo agab kale oo ay muuqato in loo adeegsado qaraxyada.

Ma shaacin taliska NISA magaca ninkaasi, balse sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa amniyaat-ka Al-Shabaab.

“NISA, ayaa howlgal qorshaysan kaga soo qabatay Deg. Yaaqshiid  dhagarqabe ka qayb qaatay qaraxii lagu dilay Agaasime Mohamed Amiin. AUN. Gurigiisana waxaa laga soo qabtay aaladahaan.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adda NISA.

Qaraxa lagu dilay Marxuum Amiin oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray, islamarkaana ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

About Author