Post View....

Tahriibayaal fara badan oo dib looga soo celinaayo dalka Liibiya.

0
129

Dowladda Rwanda ayaa ku dhawaaqday inay qaabili doonto 500 ka mid ah Kumanaanka Muhaajriinta Afrikaanka ee ku xayiran dalka Libya.

Hawsha daad-gureyntooda waxaa iska kaashan doona Dowladda Rwanda, UNHCR, IOM, iyadoo Ururka Midowga Europe ee EU bixin doonan Kharajka lagu daad-guran doono 500 Muhaajiriin ee la qorsheynayo in dib loo dejiyo dalka Rwanada.

Yaboohaasi ayaa waxa uu la xiriiraa sababo dhinaca Aadminimada, iyadoo Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame horey u ballan qaaday qaabilaada Muhaajiriintaas sanadkii 2017-kii.

About Author