Post View....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenkii Qatar oo Kenya kala hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya.

0
113

Ra’iisul wasaaraha ku-xigeenka Qatar, Sheekh Maxamed Bin Cabduraxmaan Al-Thani oo dhawaan booqasho ku tegay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu dalka Kenya kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, Monica Juma.

Sheekh Maxamed ayaa Kenya kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeyo Kenya iyo Soomaaliya.

Qoraal ay barta Twitter-ka soo gelisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya waxay ku sheegtay “Waxaan dib u eegis ku sameynay xiriirkeena isla markaasna waxaa xusnay horumarada aan gaarnay, waxaan isku waafaqnay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal gaar ahaan arrimaha gobolka iyo caalamka”

Booqashada ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan magaalada Muqdisho uu kulan kula yeeshay ra’iisul wasaaraha dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre oo ay ka wadahadleen sidii sare loogu qaadi xiriirka iskaashi ee kala dhexeeyo Qatar.

Dowladda Qatar waxay shaaca ka qaaday inay bilaabeyso mashruuca lagu dhisayo dekedda magaalada Hobyo.

About Author