Berri oo ah 22/8/2019, Dadka intiisa badani waxa ey u dhaga taagayaan Doorashada Ka dhici doonto Magaalada Kismayo, taa oo Dalka & Deriskaba Ku leh Saameeyn Culus. Waa meel danleey badani Ku hardamayaan.
Ma Ubax iyo Hambalyo ayey Ku dhamaan doontaa Mise Feer iyo Feera duleelis?.(F.S: 1aad)
Willka Madoow ee ina : Hooyo,Yustur Cabdi Haaruun ( F.S: 2aad) iyo wiilal kale ayaa Berri Ku wada Ciyaari doono, Garoonka Xiran ee Kubbadda Codka iyo Calafka ee Magaalada kismayo (F.S: 3aad). Tababarayaashii, Garsoorahii, Callan sidihii, Goolhayahii iyo Ciyaartooyduba waa diyaar, Daawasha wacan.
Alloow Kismayo iyo Dalka oo dhanba, war Nabadeed oo khayr ah Naga maqashii, colladna Ka badbaadi. Aamiin.
Qore: Yahya Amir