Post View....

Odaygii ugu Nasiibka Badnaa! Oo xajka Nasiib u helay!!!

0
131

Sawirka aad aragtaan waa nin oday faqiir ah oo ku noolaa dalka #Ghana waxaana lagu magacaaba Xasan Cabdullahi.
Tv-ga caanka ah ee #TRT ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa barnaamij filim ah ka diyaarinaayay tuulo ku taalo dalka Ghana oo ay muslimiintu ku badanyihiin, balse kaamirada duusha ee loo yaqaano (drone), ayaa ka luntay wariyaashii.

Kadib waxay baadi-goob u galeen sidee ku heli lahaayeen, sidee baadi-goobka ugu jireen ayee waxay arkeen nin oday ah oo gacanta ku haayo oo la yaaban waxaan yar oo duulaayo!

Odaygii ayaa su’aal weydiiyay sawir wariyaashii Turkida ahaa ” Diyaaradaan yar xajka ma ku tagi karaa?””!!!! Wariyaashii Turkida ayaa la yaabay su’aashiisa waxayna ku dareen muqaalka barnaamijkooda.

Maalmo kadib wuxuu barnaamijkii ku baahiyay baraha bulshada nasiib wanaag sacad kadib Madaxweyne Erdogan oo daawaday barnaamijka ayaa la xiriiray safaarada Turkiga ee Ghana wuxuuna ku amray inee bilaabaan siduu ninkaasi ku tagi lahaa Xajka.

Waa kaas odey Xasan Cabdullahi. Waa uu xajiyey wuxuuna hada joogaa magaalada barakaysan Makkah..

Ogoow waxaad si qaalis ah ugu niyooto in Alle ku fududeenaayo oo adoomadiisa ku soo diraaya.
•Alle haka aqbalo oday Xasan Cabdillahi.
• Alle haka ajarsiiyo Madaxweyne Erdogan iyo dowlada Turkiga.

إن الله يرزق من يشاء بغير حساب

Mareegta Gujaale

About Author